Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»C.C.Warsame”Rajadii Mudo kororsiga Ee Villa Somaliya oo soo afjarmay”
    Somalia

    C.C.Warsame”Rajadii Mudo kororsiga Ee Villa Somaliya oo soo afjarmay”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 25, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo maanta loo doortay xilka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland. Madaxweyne Axmad waxaa horyaalla hawlo culus oo baaxad wayn leh oo ay ugu muhiimsan yihiin dib u heshiisiinta bulshada Jubaland, la dagaallanka Khawaarijta, adkaynta nabadgelyada, xasilloonida iyo ilaalinta wadajirka iyo midnimada reer Jubaland.

    Doorashada Madaxweyne Madoobe waxay soo afmeeraysaa rajadii muddo kororsiga ee Villa Somalia ee ku hoos duugnayd muddo kordhinta madaxda dowlad Goboleedyada.

    Waxaan Madaxda Dowladda Federaalka ah kaga digaynaa in ay Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) u adeegsadaan dano siyaasadeed, waxaan xusuusinaynaa in ay waali tahay ku celcelinta ficillo isku mid ah iyadoo la filayo natiijo hor leh.

    Waxaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqayaa in uusan xaaladda kaga sii darin, muddada kooban ee ka harsan xilkiisana kaga faa’iidaysto baadigoobka midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, iyo sidii lagu gaari lahaa hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay, xilligeeda ku qabsoonta, ka qaybgalkeedu ballaaran yahay, la xaqiijin karo, halisna ku ahayn amniga, xasilloonida iyo wadajirka dalka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.