Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»C/qaasim Salaad: Madaxweyne Hore inuu saas u hadlo ma fiicna (WAREYSI)
    Somalia

    C/qaasim Salaad: Madaxweyne Hore inuu saas u hadlo ma fiicna (WAREYSI)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 17, 2019Updated:November 17, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay hadalkii maalmo ka hor ka soo yeeray Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo xusay in laga haboonaa in ka soo yeero hanjabaad ka dhan ah dowladda Federaalka.

    C/qaasim Salaad Xasan ayaa wareysi uu siiyay Radio Kulmiye ayaa sheegay inuu rajeynayo in gacmaha la si qabsado oo aan la iska hor imaan, isagoo ku baaqay in dadlka wax loo taro, balse aan laga shaqeyn in dalka la burburiyo.

    “Madaxweyne hore oo xilka ka degay inuu sidaa u hadlo ma haboona oo u dhaarto dowladda waxaas ku sameynayaa yiraahdo, haddii dowladda qalad gasho Baarlamaan ayaa jooga, iyaga laga rabaa inay la xisaabtamaan”ayuu yiri C/qaasir Salaad Xasan.

    https://www.facebook.com/108761593795711/videos/3794082027284221/

    C/qaasim ayaa sheegay in loo baahan yahay in cid kasta oo la doorto lala shaqeeyo waqtiga ay joogeyso, gacan la siiyo, isla markaana wixii qalad ay gashana loo sheego, hala la taliyo ayuu yiri C/qaasim.

    Hadalkii dhowaan ka soo yeeray Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ee uu uga dhaartay dowladda Federaalka, kaddib markii lagu xanibay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan ay dadka uga hadleen, iyadoo war ka soo baxay dowladda Federaalka loogu baaqay Shariifka inuu sharciga ilaaliyo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.