Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»C/raxmaan Odawaa “Farmaajo iyo Kheyre ayaa ka shaqeeyey in Galmudug yeelato 3 madaxweyne”
    Somalia

    C/raxmaan Odawaa “Farmaajo iyo Kheyre ayaa ka shaqeeyey in Galmudug yeelato 3 madaxweyne”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 2, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odawaa oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka sidoo kalena kamid ahaa musharixiinta aan is diiwaangelin ee Galmudug ayaa sheegay in uu ka Shaqeyn doono xalinta Galmudugyada badan.

    Qoraal uu soo saarey ayuu ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay deegaannada Galmudug ka abuurtey Galmudug badan, waxaana Maanta uu sheegay in galmudug ku suntahay taabba galinta kala qaybsanaanta iyo kala irdhowga bulshada Galmudug.

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayuu ku eedeeyey inay sabab u yihiin in Galmudug ay yeelato Saddex Madaxweyne,waxaana uu kulan lagu dhisaayo Galmudug mid ah uu ugu yeeray waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo saamileeyda siyaaasadeed ee reer Galmudug.

    Hoos Ka Akhriso Qoraalka Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Xuseen Odawaa

    Waxa aan qeyb ka noqon donaa Xalinta Galmudugyada badan oo ay abuurtay dowladda Federaalka ah.

    Maanta waxay Dowlad goboleedka Galmudug ugu suntantahay maalinta taabba galinta kala qaybsanaanta iyo kala irdhowga bulshada Galmudug. “Madaxweyne” saddexaad ayey dowladda Federaalka ahi ku magacowday caasimadda Dhuusamarreeb.

    In Galmudug yeelato saddex Madaxweyne waxaa masuuliyaddeeda iska leh Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha dalka, Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre. Sida la wada ogsoon yahay, labadan mas’uul waxay muddo sanad ku dhow ka shaqeynayeen inay Galmudug ka sameystaan maamul ay gacantooda ku samaysteen.

    Waxaan dhammaan waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo saamileeyda siyaaasadeed ee reer Galmudug iyo sadaxda garab ee hadda saakay Galmudug u qaybsantahay inaan isugu nimaad sidii hal maamul loo dhisi lahaa.

    Mar walba waxaan u taagnaan doonaa halhayskaaygii ahaa “Galmudug mid ah”

    Waan sii wadi doonaa wixii adeeg iyo horumar ah ee aan deegaanka ka waday ama aan la jeclaa.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.