Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Caasimada Puntland oo si weyn looga Ciiday.
    Somalia

    Caasimada Puntland oo si weyn looga Ciiday.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 10, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe, 10 April 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa Garoonka Kubada Cagta ee Mira Awaare Salaada Ciidul-fitriga kula tukaday Shacabka Caasimada.

     

    Ku-simaha Madaxweynaha ayaa shacabka reer Puntland, kan Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamkaba ugu hambalyeeyey maalmahan farxada leh ee Ciidul Fitriga, isaga oo u rajeeyey in sannadkan sannadkiisa ay ku gaaraan horumar, barwaaqo iyo amni.

    Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bulshada la wadaagay in dowladda Puntland ay u taagan tahay illaalinta Midnimada Soomaaliyeed, sidaas darteedna aysan marna aqbalayn wax aan heshiis lagu ahayn.

    Munaasabada Ciida waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda, Maamulka gobolka Nugaal, kan Degmada Garoowe, Saraakiil, Isimo, Nabadoono iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

    Caasimada Puntland oo si weyn looga Ciiday.

    JQ. pic.twitter.com/BRpuvf7uvz

    — Jibril Qoobey (@jibril_qoobey) April 10, 2024

    -DHAMMAAD-

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXWEYNE KU XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.