Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Faallo ka qoray qorshaha Dastuurka Ee Xasan Sh.
    Somalia

    Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Faallo ka qoray qorshaha Dastuurka Ee Xasan Sh.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 20, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Seddax cutub oo Dastuurka ayaa la saarayaa, halka 45 qodob iyo 97 faqradood wax laga beddelayo, iyadoo lagu soo derayo 19 qodob iyo 94 faqradood oo cusub oo aan ku jirin Dastuurkii asalka ahaa, waxaana la tirayaa 3 qodob iyo 26 faqradood.

    Dhammaystir miyaa mise beddelaad?

    Kalfadhi kasta ee Baarlamaan wuxuu ku guntamaa kooram 139 xildhinaan Golaha Shacabka ah, 28 Aqalka sare, haddii ay isku imaanayaan labada aqal waxaa laga rabaa 167. Doodaha dastuurka ee socda labo fadhi oo keli ah ayaa kooram loo helay, ka dibna waxaa la yiri kooram looma baahna ee hore ha loo socdo.

    Ansixinta Dastuurka waxaa loo baahan yahay saddex dalool labo oo ah 220 Xildhibaan oo labada aqal ee Baarlamaanka isku raacaan. Maadaama aan la helaynin tiradaas, waxaa beddelkeeda lagu ansixinayaa farriin fiidiyow lagu soo duubay, ama qoraal lagu soo diray.

    Xiiso ma laha ciyaar garsooraha iyo laacibka hal qof isku yihiin, sababtoo ah natiijadeeda ayaa la sii ogyahay, mase foga maalinka ay qoomamayn doonaan guddoonka Baarlamaanka ee danaha yar dhaafsiisanaya sumcadda iyo kalsoonida Baarlamaanka iyo Xildhibaannada ballanqaadyada sugaya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.