Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Caqabado cusub oo ka hor yimid Ra’asalwasaare Abiye
    Somalia

    Caqabado cusub oo ka hor yimid Ra’asalwasaare Abiye

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 8, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Inkasta oo ay xaalada 3da qoomiyadood ee buuralayda mudaba ahayd mid murugsan hadana waxaa maalmahan soo kordhay arimo dhawra oo sii kala fogeeyay qoomiyadahan waxaana muuqda kooxaysi cusub iyo ruclayn xad dhaafa.

    Dhawaan ayay ahayd markii PM Abiy Ahmed uu sameeyay laba komishin oo kala ah Xalinta khilaafaadka xuduudaha,jinsiga iyo Dibu heshiisiinta iyo Xaqiiqa raadinta kuwaas oo dhawaan golaha baarlamaank ansixiyay.

    Arintan ayaa abuurtay xaalad cusub iyo buuq siyaasadeed waxaana arintan garab socday qorshayaal xurguf kabilaabatay sheegashada Addis Ababa oo aad moodo in shaqsiyaadka uhadla axmaaradu ay olole cusub bilaabeen taasoo keentay in dhanka Oromadana xaaladu cirka isku shareerto.

    Xubno kasoo jeeda qoomiyadaha Tigreega iyo oromada oo kujiray liiskii Komishinka Xuduudaha loo ansixiyay ayaa guudahaanba diiday inay kamid noqdaan waxayna sheegeen inay arintani sharciga garab marsantahay.

    Dhankiisa Juhaar Maxamed oo ah ninka ugu tunka wayn qoomiyada oromada ayaa waraysi uu siiyay OMN oo isagu leeyahay wuxuu kahadlay arimo dhawra, Juhaar ayaa sheegay in Komishinka dhawaan la ansixiyay uu yahay mid xaaraana oo sharciga dalka garab marsan khatarna kuah nidaamka federaalka wuxuuna sheegay inayna jirin sabab loo gacandhaafo aqalka Federationka isagoo hadalkiisa raaciyay in sida TPLF ay ahayd inay ururada kalana udiidaan.

    Dhankakale Juhaar ayaa sheegay in ay jiraan 3 shay oo woomiyada oromadu aysan gorgirtan kagalaynin kuwaas uu kusheegay 1.Nidaamka federaalka 2.In Addis Ababa tahay caasimada Oromada iyo 3. Ismaamulka qoomiyadeed, waxaakale oo uu juhaar fariin udiray kuwa kuhawlan hadalhaynta lahaanshaha Addis Ababa iyo xukuumada PM Abiy Ahmed isagoo yidhi waxaan awoodnaa hadii qaylada lajoojinwaayo inaan nidhaahno Qeero dhamaystira shaqada dhiman, isagoo hadalkiisa kudaray in Dawlada Abiy Ahmed iyo Kuwa Midnimada Beenta ah (1 Ethiopia) kudooda aysan fulaynimo uqaadan aamuska iyo dulqaadka oromada.

    Dhankakale waxaa golaha federationka loo gudbiyay komishinka uu dhawaan baarlamaanku ansixiyay siay uxaqiijiyaan jiritaanka in komishinkani sharciga garab marsan yahay iyo inkale maadaama Federationku sharciga dalka turjumo waxaana lagu wadaa in halkaas ay caqabad kale ka abuuranto maadaama Komishinkan ay afhayeen katahay Marwo Keriya Ibrahim oo kamida gudiga fulinta TPLF.

    Aqoonyahanka Tigreega iyo oromada ayaa kamidaysan diidmada arimahan korkuxusan waxayna arintani abuuri kartaa isbahaysi cusub oo xukuumada Abiy Ahmed kadhan ah, aqoonyahanka labadan qoomiyadood ayaa ku andacoonaya inuu dalku galay xili laga gudbay shuruucdii qornayd oo lagu dhaqmo nidaam komishino iyo gudiyo sharcidaro ah.

    Dhankiisa Getachew Reda oo ah xubin gudi fulin oo kamida TPLF ayaa sheegay in Abiy Ahmed uu xaqiiqada qajaho kana shaqeeyo shaqo abuurka iyo xasilinta dalka oo uusan wakhti kudhumin samaynta gudiyo sharcidaro ah, mar Getachew lawaydiiyay inay suuragal tahay in TPLF dagaal diyaar utahay wuxuu kujawaabay haa ,,hadii ay taasi daruuri noqoto,,.

    SDM
    Cabdiraxmaan Maxamed Chief Editor

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.