Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Cashar Trump loo Dhigay oo Farmajo ka Faa’iidi Karo??
    Somalia

    Cashar Trump loo Dhigay oo Farmajo ka Faa’iidi Karo??

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 23, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Cashar Trump loo Dhigay oo Farmajo ka Faa’iidi Karo

    Ma anaa islahaa Mareykanka ayaa sida Soomaaliya oo kale federalka iyo awood qaybsiga isku khilaafa. Gaaladu waxay ku maahmaahda “when the going gets tough, the tough get going.”

    Waxa looga jeedaa: “marka xaalku adkaado ee talo murganto, nin/naag karmeedka ayuun baa ka bixi karta ama kara.”

    La dagaalanka safkan aafada ah ee COVID-19 markuu adkaatay, MW Trump waxa uu isku wadi kari waayey dawladii dhexe iyo kuwii gobolada. Wax qabadkiisii ayaa gidi ahaanba la waayey.

    Mar waxa uu ku taliyey in ay goboladu iskood u tashadaan. Marna waxa uu ku andacooday in awooda wadanka kalidiis gacanta ugu jirto dalka oo dhana uu talinayo.

    Arintaasi waxa loo arkay in uu baal maray Xeerkii 200 oo sanadood soo dhisnaa.

    Waxaase is hortaagay madaxdii dawlad goboleedyada.

    Madaxda Goboladu waxay Trump u sheegeen in uu seexday xiligii loo baahnaa. Waxa kale oy u sheegeen in ay iyagu istaakuleeyeen. Markey New York dhibaatootay, waxaa u soo gurmaday gobolada Kaliforniya, Washington, iyo Origon oo u keenay qalabka neefta (ventilators).

    Mar uu gobernatooraha New York u jawaabay Trump, waxa xasuusiyey in Amerika tahay dal federal ah. In aanu Trump lahayn awood aan xakameysnay ayuu u raaciyey. Waxa kale uu xasuusiyey in aanay Mareykanka ka jirin “boqortooyo.”

    Gobernatoraha New York, Cuomo, ayaa uu soo xigtay qoraal laga dhaxlay mid ka mid ah aabayaashii yagleelay nidaamka Federaalka Mareykanka – waa Alexander Hamilton. Waxaanu yidhii sidan:

    “waxa awooda badani raacsanahay dawlad goboleedka taasi oo dhaxalsiinaysa in dawlad goboleedyadu mudan yihiin taakulaynta iyo xukunka guud ee arimaha xaasaasiga ah ee ku aadan nololmaalmeedka muwaadinka gobolada ku nool. Arintaasina waxay xakamaynaysa soo faragalinta dawlada dhexe. Dawlada dhex madexdeedu waxay had iyo jeer u hanqal taagan burinta iyo in ay boobaan awooda shacabka iyo awooda lasiiyey madexda dawlad goboleedyada.”

    Waxa kale uu Hamilton yidhii ” dawlada goboleedyada ayaa yagleelay federaalka ee federaalku ma yagleelin dawlad goboleedyada.”

    Doodan dabadeed Trump iyo digdigtiisii waa la soo afjaray. Gacan nabadeed ayuu xalay u diray madaxdii gobolada.

    Hadaba MW Farmaajo iyo R/W Khayre aritan iyo waayo aragnimadan cashar xaasaasi ah ma ka baran karaan?

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.