Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»CC Warsame: Ahlu-sunna horey waan ugu dignay, hadana waan u digin
    Somalia

    CC Warsame: Ahlu-sunna horey waan ugu dignay, hadana waan u digin

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 5, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo horay uga digay waxa haatan ku dhacay Ahlu Sunna ayaa markale ka hadlay xaaladda ku sii xumaaneysa ururkaasi oo hadda khilaafkii ugu xumaa uu kala dhexeeyo dowladda.

    Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in dadka deegaanku in badan ay ku faraxsan yihiin in Ahlu Sunna laga itaal roonaaday, meeshana laga saaro, taasina uu ku ogaaday, kadib xiriir uu la sameeyey dadka deegaanka, sida uu hadalka u dhigay.

    Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aan la inkiri karin in Ahlu Sunna in ay deegaanka u keeneen nabad, islamarkaana u soo halgantay, iyadoo dagaal la gashay Al-Shabaab, wuxuuna ku taliyey in la xoojiyo amniga, si aan loogu darsan Ahlu Sunna Waljamaaca.

    Halkan hoose ka aqriso:

    Ahlu-sunna horay waxaan uga dignay in aysan ku ballan furin Madaxweyne Xaaf, kuna kadsoomin heshiiska khudba sirada ah ee dhaldhalaalka iyo dhalanteedka leh ee kooxda N&N. Dhegaha ayey ka furaysteen. In badan oo dadka deegaanka ah oo siyaabo kala duwan u xariirnay ayaa ku faraxsan in Ahlu-sunna laga itaal roonaaday, meeshana laga saaro. Waxay ku doodayaan in ASWJ a yihiin caqabad deegaanka kaga horgudban dawladnimo iyo horumar nololeed. Waa dood macno samayn karta, haddii kuwa Ahlusuna laga adkaysiinayo ay iyaga wax dhaami laahaayeen.

    Lama inkiri karo in Ahlu-Sunna in ay deegaanka u keeneen nabad, kana daafaceen argagexisada Al-Shabaab, waxaa kaloo iyana la dafiri karin in ay ku guul daraysteen ka mira dhalinta guusha iyo sidii ay ugu rogi lahaayeen mid dadku wada leeyahay oo dowladnimi iyo horumar horseeda.

    Haddaba dadka ku doodaya in Ahlusunna Alle dhinac u dhaafiyo, waxaa horyaalla imtixaan weyn waana in deegaanku uusan ASWJ u darsan.

    Dadka deegaanka waxey maanta haystaan nabadgelyo iyo in ay argagexiso iska daafaceen. Halbeegga lagu eegayo in ASWJ laga reystay waa inta ay hadda haystaan oo horumar nolol iyo maamul dadku wada leeyihiin lagu daray.

    Kooxda la baxday N&N ujeedkoodu dowlad dhisid maaha, horumar gaarsiin maaha, dib u heshiisiin maaha, deegaan xoreyn maaha. Waa sidee talada dalka ugu soo laabannaa 2020.

    Inta maanta ku faraxsan in ASWJ laga takhalusay, fariintaan iga gunta.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.