Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»CC Warsame: Ahlu-sunna horey waan ugu dignay, hadana waan u digin
    Somalia

    CC Warsame: Ahlu-sunna horey waan ugu dignay, hadana waan u digin

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 5, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo horay uga digay waxa haatan ku dhacay Ahlu Sunna ayaa markale ka hadlay xaaladda ku sii xumaaneysa ururkaasi oo hadda khilaafkii ugu xumaa uu kala dhexeeyo dowladda.

    Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in dadka deegaanku in badan ay ku faraxsan yihiin in Ahlu Sunna laga itaal roonaaday, meeshana laga saaro, taasina uu ku ogaaday, kadib xiriir uu la sameeyey dadka deegaanka, sida uu hadalka u dhigay.

    Sidoo kale waxa uu tilmaamay in aan la inkiri karin in Ahlu Sunna in ay deegaanka u keeneen nabad, islamarkaana u soo halgantay, iyadoo dagaal la gashay Al-Shabaab, wuxuuna ku taliyey in la xoojiyo amniga, si aan loogu darsan Ahlu Sunna Waljamaaca.

    Halkan hoose ka aqriso:

    Ahlu-sunna horay waxaan uga dignay in aysan ku ballan furin Madaxweyne Xaaf, kuna kadsoomin heshiiska khudba sirada ah ee dhaldhalaalka iyo dhalanteedka leh ee kooxda N&N. Dhegaha ayey ka furaysteen. In badan oo dadka deegaanka ah oo siyaabo kala duwan u xariirnay ayaa ku faraxsan in Ahlu-sunna laga itaal roonaaday, meeshana laga saaro. Waxay ku doodayaan in ASWJ a yihiin caqabad deegaanka kaga horgudban dawladnimo iyo horumar nololeed. Waa dood macno samayn karta, haddii kuwa Ahlusuna laga adkaysiinayo ay iyaga wax dhaami laahaayeen.

    Lama inkiri karo in Ahlu-Sunna in ay deegaanka u keeneen nabad, kana daafaceen argagexisada Al-Shabaab, waxaa kaloo iyana la dafiri karin in ay ku guul daraysteen ka mira dhalinta guusha iyo sidii ay ugu rogi lahaayeen mid dadku wada leeyahay oo dowladnimi iyo horumar horseeda.

    Haddaba dadka ku doodaya in Ahlusunna Alle dhinac u dhaafiyo, waxaa horyaalla imtixaan weyn waana in deegaanku uusan ASWJ u darsan.

    Dadka deegaanka waxey maanta haystaan nabadgelyo iyo in ay argagexiso iska daafaceen. Halbeegga lagu eegayo in ASWJ laga reystay waa inta ay hadda haystaan oo horumar nolol iyo maamul dadku wada leeyihiin lagu daray.

    Kooxda la baxday N&N ujeedkoodu dowlad dhisid maaha, horumar gaarsiin maaha, dib u heshiisiin maaha, deegaan xoreyn maaha. Waa sidee talada dalka ugu soo laabannaa 2020.

    Inta maanta ku faraxsan in ASWJ laga takhalusay, fariintaan iga gunta.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.