Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»CIA-da oo ka Hadashay Dokumentiyadii WikiLeaks
    Somalia

    CIA-da oo ka Hadashay Dokumentiyadii WikiLeaks

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 9, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hay’adda ugu sarreysa sirdoonka Mareykanka ayaa si shaacsan uga hadashay dokumentiyadii ugu dambeeyey ee uu baahiyey website-ka siraha faafiya ee WikiLeaks, ayada ku digtay in dadka Mareykanka ay si aad ah uga walaacaan cawaaqibka ka dhalan kara.

    Afhayeen u hadlay hay’adda CIA-da ayaa diiday inuu xaqiijiyo sax ahaanshaha dokumentiyadan oo gaaraya 8,771, hase yeeshee waxa uu ku dooday inaanu wax shaki ah ku jirin damaca WikiLeaks ee ah inay waxyeelo gaarsiiso awoodda bulshada sirdoonka ay uleedahay inay dadka Mareykanka ka horistaagto weerarada argagixisada.

    Afhayeenka Aqlaka Cad ee Mareykanka Sean Spicer ayaa isna sheegay inay tahay in qof kaasta oo Mareykan uu ka walaaco sirta la jabsaday.

    Si la mid CIA-da, Spicer waxa uu diiday inuu xaqiijiyo sax ahaanshaha dokumentiyada WikiLeaks, hase yeeshee khuburo dhinaca ammaanka internet-ka qaabilsan iyo saraakiil hore oo sirdoonka ka tirsanaa ayaa VOA u sheegay inay u muuqdaan kuwo sax ah.

    Professor Jonathan Aronson oo xiriirka caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda University of Southern California ayaa VOA u sheegay in dokumentiyada ay muujinayaan oo kaliya in CIA-da ay gudaneysay shaqadii loo igmaday.

     

     

    Xigasho VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.