Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidamada Burundi oo lagu eedeeyay in ay Haweenka Somaliyed uga faa’idaystaan duruufaha Nololeed
    Somalia

    Ciidamada Burundi oo lagu eedeeyay in ay Haweenka Somaliyed uga faa’idaystaan duruufaha Nololeed

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 17, 2024Updated:July 17, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hay’ada xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Wacht,ayaa shaacisay in Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Somaliya jooga ku lug leeyihiin Galmo duruufeed.

    Si gaar ah Ciidamada ka socda Wadanka Burundi ayay warbixintu tilmaantay in ay ku lug lahaanshaha ugu badan sameeyaan.

    Galmo duruufeedka iyo Kufsiga Ciidamada ka socda Burundi ay kula kaceen Haweenka la daalaa dhacaya xaaladaha nololeed ee qalafsan,waxay sababtay in ay ku dhashaan Kumanaan Caruur ah oo ku dhex nool Xerooyinkooda Muqdisho.

    Haweenka,waxaa looga faa’idaysanayaa baahiyaha iyaga Qoysaskooda haysta ee asaasiga ah sida…

    1.Biyaha.
    2.Raashinka.
    3.Dawada.

    Waxaa ugu weyn ee argagax leh,waa in Raashinka,Dawada iyo Biyaha nadiifka ah ee Haweenka looga faa’idaysanayo ay yihiin Deeq caalamka ka timid.

    Warbixintu,waxay sheegaysaa,waxa ku khasbay in ay jirkooda ka iibshaan Haweenka iyo Gabdhaha aan qaangaarin Askarta Midowga Afrika in ay tahay uhelida Qoysaskooda Raashin yar,Dawo iyo Biyo,waxaana sababay nolosha adag ee Somaliya ka jirta,taasoo ay keentay….

    1.Shaqo la’aanta gaarsiisan 95%.
    2.Argagixisada Islaamka sheegata
    3.Isbadalka Cimilada Aduunka.
    4.Dagaallada sokeeye.

    Waa wax aad looga xumaado in Gabar Somaliyed jirkeeda oo si khaldan loo isticmaalo ay ku khasabtay Gaajo iyo Haraad,iyadoo Dalkeedii joogta.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://x.com/JibrilQoobey/status/1813519247999390043?t=FX4Zr4tvVE67BdoKg9yCIQ&s=19

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.