Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland oo bur-buriyey saldhigyo ay laheyd Al-Shabaab.
    Somalia

    Ciidamada DF iyo kuwa Jubbaland oo bur-buriyey saldhigyo ay laheyd Al-Shabaab.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 12, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    JAMAAME (IDIL NEWS)-Ciidamada Daraawiishta Dowlad-goboleedka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee Taliska 43-aad ayaa xoojiyey holwgalada ay ka wadaan furimaha hore ee aagga degmada Jamaame.

    Ciidamada ayaa saacadahii lasoo dhaafay ee saaka waxay weerar ku qaadeen saldhig ay kooxda Al-shabaab ku lahayd meel howd ah oo u dhow deegaanka Kobon.

    Weerarka oo ahaa mid qorsheysan oo ay si wanaagsan u diyaariyeen ciidanka Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka, waxaa cagta lagu mariyey saldhiggii Al shabaab, waxaana lagu gaarsiiyey khasaare ballaaran.

    Ciidanku waxay halkaasi ku dileen tiro malayshiyaad ah, waxayna kusoo furteen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan qoryaha garabka laga tuuro ee 7-ka.

    Shalay oo ahayd Isniin ayey sidoo kale Ciidamadu waxay howlgallo ka sameeyeen isla aagga degmada Jamaame, dadkii ku sugnaa deegaanada ay ciidamadu shalay gaareen ee Araare, Kobon iyo Muuse Xaaji waxay siiyeen raashin iyo dawo.

    Ciidamadu intii ay howlgalka ku jireen waxay fashiliyeen oo ay soo saareen miinooyin ku dhow 20, kuwaasi oo la rabay in lagu dhibaateeyo dadka maatada ah.

    Dhaq dhaqaaqyada cusub ee ay ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ka bilaabeen deegaanada hoostaga degmada Jamaame ayaa joog iyo jiifsi u diiday malayshiyaadka Al-shabaab.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.