Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidamada DF oo soo baneeyay Furumihii dagaalka ee Gobalka Sh/dhexe (Sawirro)
    Somalia

    Ciidamada DF oo soo baneeyay Furumihii dagaalka ee Gobalka Sh/dhexe (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 20, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    BALCAD (IDIL NEWS)-Wararka ka imaanaya Gobalka Shabeelaha Dhexe, ayaa Sheegaya in cutubyo kamid ah Ciidamada Xoogga dalka ay soo faarujiyeen Fariisimo ay ku lahaayeen Degaano katirsan Degmooyinka Balcad, Jowhar iyo Mahadaay ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

    Ciidamadan oo ku hubeysan Gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay inay qeybtood gaartay Degmada Balcad, halka kuwo kalana la filayo inay gaaraan Saacadaha soo socda.

    Saraakiisha Hoggaaminaysa Ciidamadan ayaa sheegay inay heysatay bilihii ugu dambeeyay Mushaar la,aan, Iyadoona haatan uu ka goโ€™ay Saadkii dagaalka ee ay kaga hor-tagi lahaayeen Dagaalyahanada Al-Shabaab ama ay uga difaacan lahaayeen Fariisimahooda.

    Sidoo kale, Saraakiisha ayaa sheegay inay yihiin Ciidamada ay hoggaaminayaan kuwo u diiwaan-gashan Dowladda, isla markaasna aan xaquuqdoodii helin bilihii ugu dambeeyay

    Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadani ay saacadaha soo socda u kicin tamayaan Magaalada Muqdisho, si ay u muujiyaan Gaadoodkooda, Dadka degaanka ayaana waxaa soo foodsaartay cabsi ku aadan inay dhibaateeyaan Shabaab.

    Baneynta Ciidamada ee furumaha dagaalka ayaa kasoo beegmaysa xilli, Raโ€™isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu habeen hore sheegay in Ciidamada ka cabanaya mushaar laโ€™aanta ee isaga baxaya saldhigyada aysan u diiwaangashaneyn dowladda Soomaaliya.

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.