Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland oo la wareegay deegaano Cusub+Sawirro
    Somalia

    Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland oo la wareegay deegaano Cusub+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 21, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada Dowladda & kuwa Maamulka Jubbaland ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay  howlgallo kala duwan ka sameeyeen deegaano katirsan gobolka Jubbada Hoose halkaas oo ay gacanta ku hayeen Ururka Al-Shabaab.

    Deegaannada ay Ciidamada dowladda & kuwa Jubbaland ka fuliyeen howlgalka ayaa waxaa kamid ah Kaamjaroon iyo Buulaxaaji,waxaana la sheegay in dagaal kooban oo halkaasi ka dhacay ay Ciidamada la wareegeen deegaannadaas.

    Saraakiil katirsan taliska qeybta 43-aad iyo ururka 5-aad ee Kumaandooska Danab oo howlgalka ka qeyb-qaadanayay ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamadu ay weli deegaannadaas ku sugan yihiin,iyaga oo aan la kulmin iska cabin xoogan.

    Waxaa ay sidoo kale sheegeen in howlgalka uu noqon doono mid sii socda ilaa iyo inta deegaannada kale ee Jubbooyinka kaga sugan yihiin laga saaro Ururka Al-Shabaab.

    Horay ayaa ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo,isla markaana ay deegaano kula wareegeen.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.