Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidamada Dowladda oo howlgal qorsheysan ka fuliyey Sh/Hoose (Sawirro)
    Somalia

    Ciidamada Dowladda oo howlgal qorsheysan ka fuliyey Sh/Hoose (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 6, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen tuulooyin hoostaga degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

    Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen deegaanka Ceel Saliini iyo deegaano kale oo hoostaga Magaalada Marka,waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayey.

    Taliyaha Guutada 1-Aad ee Ciidanka Dhulka Col-Xassan Maxamed Abuukar oo hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in ay ku doonayeen howlgalkaas inay deegaano dhowr ah uga saaraan ururka Al-Shabaab.

    Taliyaha ma sheegin inay dad ku qabteen howlgalka balse uu sheegay in uu ahaa mid ay ku xaqiijiyeen amniga tulooyin dhowr ah oo ku dhow Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

    Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in howlgalalda ay ahaan doonaan kuwa si joogta ah uga sameeyaan deegaannada kala duwan ee Gobolka Shabeellaha hoose si Al-Shabaab ay uga saaraan.

    Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaalo u dhaxeeyey Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab dagaaladaas oo geystay khasaaro kala duwan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.