Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidamada Israel oo maalinkii labaad duqeeyey Gaza
    Somalia

    Ciidamada Israel oo maalinkii labaad duqeeyey Gaza

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 13, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada Israel ayaa mar kale maanta duqeymo ka fuliyey magaalada Gaza, halka dagaal-yahanada Falastiin ay gantaalo ku qufeen Israel.

    Saraakiisha caafimaadka Falastiin iyo kooxda Islamic Jihad ayaa sheegay in duqeymaha ay ku dhinteen laba qof, taasi oo tirada dhimashada guud ka dhigeysa 12, tan iyo markii rabshadaha ay billowdeen Talaadadii.

    Ciidamada Difaaca Israel ayaa sheegay in dagaal-yahanada Falastiin ay kusoo rideen in ka badan 200 oo gantaal.

    Illaa hadda lama sheegin cid ku geeriyootay gantaallada, inkasta oo ay sababeen burbur xooggan.

    Gantaallada ayaa bilowday ayada oo looga jawaabayo duqeyn ka dhacday Gaza, oo ay Israel ku dishay taliye ka tirsanaa kooxda Islamic Jihad.

    Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Bahaa Abu el-Atta “uu mas’uul ka ahaa weeraro badan oo argagixiso iyo gantaallo lagu soo tuuray Israel bilihii dhowaa, islamarkaana uu damacsanaa inuu fuliyo weeraro kale.”

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.