Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidamada Masar oo weeraray kuwa Sraa’iil
    Somalia

    Ciidamada Masar oo weeraray kuwa Sraa’iil

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 27, 2024No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Telefishin laga leeyahay Israa’iil oo la yiraahdo kanaal 13,ayaa ka hadlay dhacdo dhexmartay Israel iyo ciidamada Masar ee jooga xadka Rafax. Telefishinka ayaa sheegay in askarta Masar ay rasaas ku fureen ciidamada Israa’iil ee jooga Rafax balse ma jirto cid wax ku noqotay.

    Dhinaca kale dowladda Sucuudiga,ayaa dhaleeceysay wax ay ugu yeertay xasuuqa sii socda ay Ciidamda xoogga dhulka ku haysta u geysanayaan shacabka aan isdifaaci karin ee marinka Gaza.

    Dhacdadii ugu dambeysay,ayaa ah in bartilmaameed laga dhigtay barakacayaal degan meel u dhow baqaarka hay’adda Qaramada Midoobay ee UNRWA ee waqooyiga Rafax.

    Wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudiga ayaa xaqiijisay in Boqortooyada ay ka horjeedo sii socoshada wax ay ugu yeertay xadgudub cad oo ay ciidamada Israa’iil ku sameynayaan dhammaan qeynuunada caalamiga ee bani’aadannimo.

    Tirada dhimashada duqeynta shalay ee Rafax,ayaa gaareysa 45 qof oo ay ku jiraan 23 haween ah, carruur iyo waayeel. Dhaawac ayaa gaaraya 249 Qof.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.