Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidamada Mucaaradka Siiriya oo Guulo waa weyn gaaraya
    Somalia

    Ciidamada Mucaaradka Siiriya oo Guulo waa weyn gaaraya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 3, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mucaraadka ay hoggaaminayaan Islaamiyiinta ah ee dagaalka kula jira Ciidamada dowladda Talaadadii ayaa ku sii siqaya magaalada Xamaa ee bartamaha Siiriya, sida ay sheegtay koox kormeerta dagaalka.

    Kooxda Xayaat Taxriir Al-Shaam iyo xulafadeeda ayaa mid ka mid ah “dagaalladii ugu cuslaa” ciidamada kula galay aagga, tan iyo markii ay weerarka billaabeen toddobaadkii tegay, sida ay sheegtay kooxda Kormeerayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya.

    Tan iyo markii ay duullaanka billaabeen toddobaadkii hore, waxa ay ka qabsadeen dowladda Suuriya dhul ballaaran oo ay ku jirto magaalada labaad ee Xalab.

    “Isku dhacyo ayaa ka dhacay baadiyaha waqooyiga ee Xamaa, halkaas oo kooxaha mucaaradka ay u suurta-gashay in ay qabsadaan magaalooyin iyo xaafado dhowr ah saacadihii la soo dhaafay,” ayay tiri kooxda fadhigeedu yahay Britain, oo shabakad xog ay ku hesho ku leh Suuriya.

    “Ciidamada cirka ee Suuriya iyo kuwa Ruushka ayaa tobanaan duqeymo ah ku qaaday aagga,” ayay raacisay.

    Ruushka ayaa markii ugu horeysay si toos ah u farageliyay dagaalka Suuriya 2015-kii isagoo duqeymo ka geystay goobaha ay gacanta ku hayaan mucaaradka, waxaana uu ballan qaaday inuu sii wadi doono taageerada uu siiyo madaxweyne Bashar al-Assad tan iyo markii uu bilowday dagaalkii ugu dambeeyay.

    Wakaaladda wararka dowladda ee SANA ayaa sidoo kale sheegtay in duqeymo dhanka cirka ah ay ka fuliyeen gobolka Xamaa iyo saldhiga mucaaradka ee Idlib ee waqooyi galbeed.

    Xamaa waa magaalo istaraatiiji ah oo xiriirisa Xalab iyo caasimadda Dimishiq.

    Waxa ay saldhig u aheyd mucaaradka xukuumadda Bashaar Al-Asad maalmihii hore ee dagaalka sokeeye iyo goob ay ka dhaceen mudaharaadyo waaweyn.

    Qaar badan oo ka mid ah dadka magaalada, nabarradii xasuuqii 1982-kii ee ay ciidamadu sameeyeen, ee looga dan lahaa in lagu burburiyo Ikhwaanul Muslimiinka, ayaan weli bogsan.

    La wareegitaanka mucaaradka ee Xamaa waxay “halis ku noqon doontaa saldhigga taliska”, ayuu yiri agaasimaha kooxda kormeerka xuquuqda aadanaha ee Siiriya, Rami Cabdel Rahman.

    Baadiyaha galbeed ee Gobolka ,axaa degan bulshada Calawiyiinta ee uu ka soo jeedo Asad.

    Qaramada Midoobay,ayaa sheegtay in ku dhawaad 50,000 oo qof ay ku barokaceen dagaallada, ayna ku dhinteen boqolaal qof oo u badan dagaalyahanno tan iyo dhamaadkii bishii November.

    Suuriya,ayaa dagaal ku jirtay tan iyo markii Bashaar Al-Asad uu caburiyey dibad-baxyadii Dimoqraadiyadda ee 2011-kii.

     

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    September 26, 2025

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    September 26, 2025

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    September 26, 2025
    Latest Posts

    Trump oo markale ilhaameeyay Xasan Shiikh

    Faallo:-Dabka uga shidmay Xamar Xasan halkee la aadi doonaa?

    Wax badan ka ogow tagida Xasan Shiikh Ee Kismaayo

    Jubaland oo garab istaagtay mucaaradka Muqdisho.

    Xasan Shiikh oo dabin siyaasadeed ugu dhacay Mucaaradka Xamar

    Jen.Qalyare oo Aas qaran loogu sameeyay Garowe

    Xog:-Maxaa kala socotaa mashruuca horumarinta Ee New Muqdisho?

    Xasan Shiikh oo baadigoob ugu jira isla sawirka Trump

    Markab sida 150-Kunteenar oo kusoo xirtay Bosaso

    Faallo:-Puntland oo Wayday Geesi Qaran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.