Howlgal culus oo ka dhan ah firxadka kooxda Daacish ayaa ka soconaya maanta Togga Baallade ee buuraleyda Cal-miskaad, kaas lagu beegsaday godadkii ugu dambeeyay ee kooxdu ku lahayd Togga.
Sidda uu sheegay Taliska Howlgalka ciribtirka Argagixisada Puntland – howlgalka oo isugu jira mid cir iyo dhul ah, ayaa ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland ku sifeynayaan haraadiga Daacish, kuwaas oo asbuucyadii u dambeeyay ay go’doonsheen ciidamadu.
Howlgalka Hillaac ee ka dhanka ah Daacish ayaa hadda maraya gabagabo. Saraakiil katirsan ciidamada Puntland ayaana inoo xaqiijiyay in dhowaan kasoo afmeeri doono howlgalka oo hadda socda muddo 11 bilood ah.
IDILNEWS
