Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidamada Yuhuuda oo dilay Daraasiin Shacab Falastiiniyiin ah
    Somalia

    Ciidamada Yuhuuda oo dilay Daraasiin Shacab Falastiiniyiin ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 18, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay marinka Qaza ayaa Sabtidii lagu dilay ugu yaraan 18 qof, oo dhammaantood hal qoys ka soo jeeday, saacado kaddib markii dhexdhexaadiyeyaashu ay rajo ka muujiyeen heshiis xabbad-joojin ah oo dhexmara Israa’iil iyo Xamaas.

    Weerarkii cirka ee Sabtidii ayaa lala beegsaday guri iyo bakhaar ku dhow oo ay gabbaad ka dhigteen dad barakacayaal ah oo ku yaal halka laga soo galo magaalada Zawaida, sida uu sheegay Isbitaalka Shuhadada ee Al-Aqsa ee Deir al-Balah, halkaas oo dhaawacyo la gaarsiiyay.

    Wariye ka tirsan Associated Press oo halkaasi ku sugan ayaa tiriyay dadka ku dhintay weerarkaasi.

    Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyada oo saraakiisha Mareykanka, Masar iyo Qatar ay soo afjareen kulamo lagaga arrinsanayey sidii loo gaadhi lahaa heshiis xabad joojin ah kaas oo socday muddo laba maalmood ah, waxayna rajo ka muujiyeen in heshiis laga gaaro dagaalka 10-ka bilood socda.

    War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen ayaa lagu sheegay in la soo bandhigay soo jeedin lagu doonayo in lagu soo afjaro farqiga u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, waxaana ay filayaan in toddobaadka soo socda ay magaalada Qaahira ku soo bandhigaan faahfaahinta hirgelinta heshiiska.

    Dadaalka dhexdhexaadinta ayaa ujeedadiisu yahay in la sii daayo tiro badan oo la haystayaal ah oo Israa’iiliyiin ah, lana joojiyo dagaalka halakeeyay marinka Gaza, kaas oo dhimashadu kor u dhaaftay 40,000 oo qof, sidii kalena laga cabsi qabo in cudurka dabayshu uu ka dillaaco.

    Wadahadallada ayaa sidoo kale loogu talagalay in lagu waboojiyo xiisadda gobolka oo aad u kacsan, tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay Iran iyo taageerayaasheeda gobolku ay ku hanjabeen inay qaadi doonaan weeraro aargoosi ah.

    Xigasho:-VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.