Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidamo kamid ah Daraawiish-ta Puntland oo la goostay Hub
    Somalia

    Ciidamo kamid ah Daraawiish-ta Puntland oo la goostay Hub

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 12, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Askar katirsan Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland oo saldhigooda ahaa deegaanka Af-Urur ee Buuraleyda Galgala ee Gobalka Bari ayaa ka baxsaday saldhigii ay ku sugnaayeen, iyagoo la goostay hubkooda.

    Askartan oo kamid ah Ciidan dhowaan tababar loogu soo xiray Xerada Xorgoble ee magaalada Qardho ee Gobalka Karkaar, waxaana kaddib la geeyay deegaanka Af-Urur, Wararka ayaana sheegaya in hubka Askartani la goosteen uu u badnaa qoriga AK-47 iyo Rasaas.

    Ciidanka ayaa la sheegay inay u baxsadeen dhanka Gobolka Sanaag, waxaana qorshahooda yahay inay iibsadaan hubka iyo rasaasta wataan, sida ay tibaaxayaan xogaha laga helayo Ragan.

    Taliyaha Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere, oo ku sugan magaalada Badhan ee Gobalka Sanaag ayaa amar ku bixiyay in askartaas si deg deg ah loo soo qabto, isla markaana sharciga loo horkeeno.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.