Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidamo loo diyaariyey dagaalka Al-Shabaab oo tababar loo soo xirey+Sawirro
    Somalia

    Ciidamo loo diyaariyey dagaalka Al-Shabaab oo tababar loo soo xirey+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 8, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka xooga dalka Soomaaliya Generaal Maxamed Sheekh Cabdulaahi Xiirow ayaa tababar u soo xiray cutubyo katirsan ciidanka xoogga dalka oo mudo 2 bil ah tababar uga socday Dugsiga Tababarka ciidanka Dowlada Ingiriiska ay kuleedahay Baydhabo.

    Waxaa tababarkan mudada uu socday bixinayay Sarakiil katirsan ciidanka Dowladda Ingiriiska, Ciidankan ayaa lagu wadaa inay qeyb ka noqdaan howlgaladda lagu xaqiijinayo Amniga dalka gaar ahaan goboladda Koonfur Galbeed oo haatan Wadooyinkooda ay go’doomiyeen Al-Shabaab.

    Xiritaanka tababarka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiiradda Amniga, Warfaafinta, Tamarta iyo Biyaha Sarakiisha ciidanka Booliska Mileteriga iyo Marti Sharaf kale.

    Cutubyadan Maanta Tababarka loo soo xiray ayaa soo Bandhigay habka loo fuliyo howlgaladda iyo sida la’isaga difaaco weeraradda gaadmada ah.

    Taliyaha qeybta 60-aad ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Maxamed Shekh Abdulaahi Xiirow ayaa ugu horeyn u mahad celiyay Madaxda Safaaradda Dowlada Ingiriiska ay ku leedahay Soomaaliya, sida marwaliba ay u garab taagan yihiin Dowladda Somaaliya.

    Ciidanka ayuu kula dardaarmay in tababarka ay qaateen inay gaarsiiyaan ciidank kale aanan fursadan u helin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.