Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidan cusub oo lagu wareejiyay Amniga Caasimadda Puntland.
    Somalia

    Ciidan cusub oo lagu wareejiyay Amniga Caasimadda Puntland.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 20, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddiga Amniga Gobalka Nugaal ayaa ku dhawaaqay in si KMG ah amniga Caasimadda Puntland ee Garoowe loogu wareejiyay Ciidamo isku dhaf ah oo laga kala keenay Ciidamada PSF-ta, PMPF-ta iyo Ciidanka Madaxtooyada.

    Guddiga amniga Gobalka Nugaal oo kulan maanta ku yeeshay Garoowe, ayaa sheegay in talaabadan ay timid, kaddib markii la xareeyay Ciidanka Booliska Caasimadda iyo guud ahaan kuwa Gobalka Nugaal,  si loogu sameeyo dib u habeyn iyo diiwaan-gelin.

    Sidoo kale, Guddiga ayaa xusay in Baraha koontorool ee laga soo galo Magaalada Garoowe si deg deg ah loo geeyn doono Ciidamo ka socda PSF, PMPF iyo Ciidanka Madaxtooyada, si loo xaqiijiyo amniga Caasimadda.

    Ugu dambeyntii, Guddiga amniga  Gobalka Nugaal ayaa shirkooda ku sheegay inay si wadajir ah ula dagaalami doonaan dadka amni-darrada ka wada gudaha Magaalada Garoowe, sida kuwa Magaalada Hubka soo geliya iyo kuwa isticmaala ama ka ganacsada maan-dooriyaha Khamriga iyo Xashiishka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.