Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidanka Dowladda oo kala wareegay Ahlu-sunna Degmada Guriceel+Sawirro
    Somalia

    Ciidanka Dowladda oo kala wareegay Ahlu-sunna Degmada Guriceel+Sawirro

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 3, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan guutada qeybta 21aad ayaa saakay Waaberigii hore hore waxaa ay la wareegeen degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud,halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo taabacsan Ahlusunna Wal-Jamaaca.

    Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal kooban oo halkaasi ka dhacay ay isaga baxeen Ciidamadii Ahlusunna,isla markaana dhamaan Xarumihii Maamulka ay la wareegeen Ciidamada Millateriga Soomaaliya.

    Sidoo kale Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud waxaa ku sugan Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye,kaas oo xalay kulamo kala duwan ka waday Gudaha Magaalada Guriceel.

    Xaalada Magaalada Guriceel ayaa saakay ah mid degan,waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in Ciidamadii Ahlusunna ay ku sugan yihiin  banaanka Magalada Hayeeshee ay cabsi dareemayaan.

    Guddoomiyaha degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Ahlusunna ayaa sheegay in xalay Gaari uu lahaa lagu rasaaseeyey Bartmaha Magaalada xilli halkaasi uu dagaal kooban ku dhex-marayay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlusunna.

    Si kastaba la wareegitaanka Ciidamada Dowladda ee degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay Ciidamada Dowladda ay la wareegeen degmada Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan oo ay ku sugnaayeen Ciidamo taabacsan Ahlusunna Wal-Jamaaca.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.