Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidanka Itoobiya oo kusoo qulqulaya Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya+XOG
    Somalia

    Ciidanka Itoobiya oo kusoo qulqulaya Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya+XOG

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 23, 2020Updated:April 23, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegaya in Ciidamo Itoobiyaan ah ay kusoo qulqulayaan magaaladaas maalmihii ugu dambeeyay.

    Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Shabakadda Idil News, in Ciidanka Itoobiya oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay soo gaareen degaano ka tirsan Koonfur Galbeed oo ay kamid tahay magaalada Baydhabo.

    Ciidanka oo gaaraya illaa labo kun oo Askari, ayaa la sheegay in aysan qeyb ka aheyn Howlgalka midowga Africa ee AMISOM, waxaana la xoguhu tilmaamayaan inay saldhigyo ka sameysan doonaan duleedka magaalada Muqdisho iyo degaanada Koonfur galbeed.

    Ciidankan Itoobiyaanka ah oo kasoo gudbay xadka Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed u la wadaago Itoobiya, waxaana soo galitaankoodu kusoo aadaya xilli Cudurka CORONAVIRUS uu gilgilayo caalamka, Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday xadka ay la wadaagto dalalka dariska ah.

    Lama oga ujeedada ciidanka Itoobiyaanka ay u soo gaareen dalka, waxaana dhowaan Ciidamo kale oo ka socda Itoobiya ay tiradoodana lagu qiyaasay saddex kun oo askari ay saldhigyo ka sameysteen Gobalka Gedo ee Jubbaland iyo Gobalka Galgaduud ee Galmudug.

    Wixii Kasoo Kordha kala Soco Idil News.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.