Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidanka Kenya oo lasoo dhoobay Xadka Soomaaliya & Ujeedada ka dambeysa
    Somalia

    Ciidanka Kenya oo lasoo dhoobay Xadka Soomaaliya & Ujeedada ka dambeysa

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 25, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Kenya ayaa Ciidamo farabadan waxaa ay soo dhoobtay Xadka ay a wadaagto Soomaaliya gaar ahaan dhinaca Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo,sida ay sheegeen dadka deegaanka.

    Ciidamada Militariga Kenya oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka ayaa lagu arkay, iyaga oo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wada xaduudka dhinaca degmada Ceelwaaq,isla markaana dadka ay cabsi dareemeen.

    Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeeysa in Kenya ay Ciidamo horleh soo dhoobto xadka dhinaca Gobolka Gedo ay kala wadaagto Soomaaliya, hayeeshee warar soo baxaya ayaa waxaa ay sheegayaan inay taageerayaan  Madaxweyne Kuxigeenka 1-aad Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan,kaas oo la sheegay in loo diiday in uu galo magaalooyinka qaar ee Gobolka Gedo.

    Madaxweyne Kuxigeenka 1-aad Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan  oo maalmahaan ku sugan Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa dhawaan sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhibaato ka wado Gobolka Gedo, isla markaana ay adeegsaneyso Ciidamo Itoobiyaan ah.

    Deegaano katirsan Gobolka Gedo ayaa waxaa laga dareemayaa loolan adag oo u dhaxeeya Kenya iyo Itoobiya oo kala taageeraya Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Jubaland.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.