Culimada Dowladda Puntland oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, ayaa sheegay in Gurmadka ugu horeeya ee Fatahaada Magaalada Baladweyne ay ku bixinayaan Lacag dhan $164,000 (Boqol lixdan iyo Afar kun) oo ka hartay lacagihii loo aruuriyay Abaartii SIMA ee dhacday sanadkii 2017-kii.
Culimada Puntland ayaa ugu baaqay Bulshada Puntland iyo Guud ahaan Soomaalida in laga dhiidhiyo dhibta heysata walaalooda ay saameeyeen Fatahaaduhu.
