Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Cunaqabataynta Hubka Ee Somaliya oo Maanta la khafiifinayo
    Somalia

    Cunaqabataynta Hubka Ee Somaliya oo Maanta la khafiifinayo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 1, 2023No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maanta oo Jimca ah,ayaa la khafiifinayaa Cunaqabataynta Hubka ee saaran Somaliya mudo ku siman 30-Sano.

    Taangiyada,ayaa ku jira Hubka loo fasaxayo Somaliya oo aan horay ugu jirin.

    Gudiga ilaalinta Cunaqabataynta Hubka ee QM,ayaa la siin doonaa mudo 6-Bilood ah oo ay sii joogi doonaan Somaliya.

    Somaliya,ayaa dalbatay in mudo 90-Cisho gudaheed ah ay si dhamaystiran uga baxaan Wadankeeda Gudiga la socodka Cunaqabataynta Hubka ee QM,waxayna badalkooda codsatay in Wadamo gaar ah kala shaqeeyaan ilaalinta Hubka,balse waa uheli wayday taageero.

    Joogista gudaha Somaliya ee Gudigan,waxay ka dhigan tahay in weli Wadanku ku hoos jiro Chapter 7.

    Dowladaha Shiinaha iyo Ruushka,ayaa Somaliya ku garabsiiyay khafiifinta Cunaqabataynta.

    Maraykanka oo markii hore hor istaagi jiray,ayaa isaguna haatan raba in la khafiifiyo cunaqabataynta.

    Go’aanka khafiifinta Hubka,waxaa xigi doona Shir ka dhici doona Maraykanka oo looga sii xaajoon doono arimaha Farsamada.

    Afar Wadan oo kaliya ayay Somaliya Hub kasoo iibsan kartaa,kuwaasoo kala ah…

    1.Ruushka.
    2.Maraykanka.
    3.Turkiga.
    4.Masar.

    Dadka la socda arinkan,ayaa u arka in Hub lasoo geliyo Gacanta Somaliya ay qaadan doonto mudo,waxaana ka horrayn doontaa midaynta Siyaasada Amniga Qaranka oo ay hoos imaanayso habka dhismaha Ciidamada.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    February 10, 2026

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    February 10, 2026

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    February 8, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Xamar

    Madaxweyne Deni oo si weyn loogu soo dhaweeyay Muqdisho

    Xildhibaanada mucaaradka oo samaystay Baarlamaanka xorta ah

    Halkee marayaa dhismaha Santuukha horumarinta Puntland ?

    Talyaaniga Oo PL ka fulinaya mashaariic muhiim ah

    Madaxweyne Deni Oo lagu amaanay maaraynta Caana shubka Ugaaska Tanade

    Hanbalyo Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood.

    Safiirka Talyaaniga Ee Somaliya oo soo gaaray Puntland

    Madaxweyne Deni oo ka qaybgalay Caano shubka Ugaaska Tanade

    Mw Deni oo dhagaxdhigay dhisme cusub oo uu yeelanayo Garsoorka G.Mudug

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.