Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Cunsiriyiintii Holand oo looga adkaaday doorashadii Dalkaas iyo Xisbiga ogol soo galootiga oo guulaystay
    Somalia

    Video:-Cunsiriyiintii Holand oo looga adkaaday doorashadii Dalkaas iyo Xisbiga ogol soo galootiga oo guulaystay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 16, 2017Updated:March 16, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Reer Holand waa hadleen waxay muujiyeen in aysan cunsiriyiin ahayn oo ay raali ka yihiin wada noolaanshaha bulshada Caalamka dalkoodana uusan boos uga banaanayn Cunsuri.

    Donad Trump iyo kooxdisii waa lagu quustay aduunku waa ka fogaaday cunsiriyiin iyo koox aragti gaaban.

    Rw Holand ayaa yiri”Waxaan ku faanayaa shacabka Holand ee muujiyay in ay yihiin dad han leh oo aaminsan in ay yihiin hogaamiyayaasha caalamka qayb ka mid ah”

    Guusha Xisbiga Laybaraalka waxay ka dhigan tahay Fariin waxtar u ah isdhexgalka bulshada caalamka.

    Ra’iisalwasaaraha dalka Netherlands Mark Rutte ayaa sheegay in dalkiisu uu diiday dadka shacbiyadda khaladka ah raadinaya isaga oo u dabaaldagaya guushii baarlamaanka ee uu xisbigiisu ka gaaray doorashada.

    Iyada oo la tiriyay codadka intooda badana xisbiga VVD ayaa si sahlan ugu guulaystay xisbiga ka soo horjeeda soo galootiga iyo Midawga Yurub ee Freedom Party ee uu hogaamiyo Geert Wilders.

    Doorashadan waxaa loo arkayay in ay tijaabo u tahay taageerada ay haystaan xisbiyadda qiirada wadaninimo ay hayso ee ku soo badanaya dalalka Yurub oo dhan.

    Wilders ayaa ku adkaystay in “guga wadaniyaddu” uu wali sii di’i doono.

    yadoo la tiriyay 90% cododkii la dhiibtay xisbiga VVD ayaa ku guulaystay 33 ka mid ah 150kii kursi ee loo tartamayay, siddeed xubnood ayayna lumiyeen marka loo eego doorashadii hore.

    Xisbiga Freedom Party ee Wilders ayaa kaalinta labaad galay waxayna ku guulaysteen 20 kursi waxayna heleen shan kursi oo dheeri ah, xisbiyada CDA iyo D66 ayaa ku soo dhaw oo iyaguna helay 19 kursi.hoos ka daawo muuqaalka

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/i7h9VrTcBIA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.