Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Daacish oo ka hadashay Dilka Al-baghdadi, Hoggaamiye cusubna ku dhawaaqday
    Somalia

    Daacish oo ka hadashay Dilka Al-baghdadi, Hoggaamiye cusubna ku dhawaaqday

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 31, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ururka Daacish ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyey geerida hoggaamiyihii kooxda Abu Bakr al-Baghdadi, islamarkaana inuu beddelo u magacaabay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Quraishi.

    “Waxaan ka tacsiyeyneynaa…taaliyihii kooxda” waxaa sidaas bayaan cod ah oo uu aqriyey ku yiri Abu Hamza al-Quraishi, oo lagu sheegay afhayeenka kooxda.

    Baghdadi, oo Daacish hoggaaminayey tan iyo sanaddii 2014, silamarkaana ahaa ninka loogu raadiska badan yahay dunida, ayaa waxaa axaddii lagu dilay weerar ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Idlib ee dalka Syria.

    Daacish ayaa sidoo kale xaqiijisay in afhayeenkii hore ee kooxda Abu Hassan al-Muhajir lagu dilay howl-gal dhacay maalinkii xigay maalinka la dilay al-Baghdadi.

    Bayaanka Daacish ayaa lagu sheegay in golaha sharci-dejinta iyo shuurada kooxda ay kulan deg deg ah isugu yimaadeen kadib geerida al-Baghdadi, oo kasoo jeeday dalka Iraq.

    “Golaha shuurada Daacish waxay kulmeen durba markii la xaqiijiyey shahiidnimada Sheikh Abu Bakr al-Baghdadi, waxaana odayaasha dagaal-yahannada barakaysan ay isku raaceen beddelkiisa” ayaa lagu yiri codka bayaanka oo socday toddoba daqiiqo.

    Afhayeenka Daacish, Abu Hamza al-Quraishi ayaa u digay dowladda Mareykanka, waxaana ku hanjabay in Daacish iyo taageerayaasheeda ay ka aargudan doonaan geerida al-Baghdadi.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.