Wasiirkii Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa goor dhow iska casilay xilkiisa.
Daahir Geelle ayaa wareysi uu siiyay laanta afka Soomaaliga VOA ku sheegay inuu is casilay, kaddib kala aragti duwanaan isaga iyo dowladda soo dhex gashay.
Wararka ayaa sheegaya in Daahir Geelle iyo Raโiisul Wasaare Kheyre ay isku qabteen arrimo dhowr ah, iyadoo ay horay u taagnaayeen kala aragti duwanana u dhaxeysay isaga iyo Raโiisul Wasaaraha oo muddo soo jiitameysay.
Waxaa uu noqonayaa Wasiirkii ugu miisaanka cuslaa ee sanadkan iska casila Xukuumadda Raโiisul Wasaare Kheyre oo muddooyinkan wajaheysay qalalaase siyaasadeed iyo mucaarado xooggan.
Daahir Geell,ayaa aad uga biya diidanaa siyaasadda Raโiisul Wasaare Kheyre, isagoo ahaa siyaasi qunyar socod ah oo xilliyada qaar si dabacsan uga hadla arrimaha mucaaradnimada.
