Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dagaalka Ilhaan Omar iyo Donald Trump oo sii fogaaday
    Somalia

    Dagaalka Ilhaan Omar iyo Donald Trump oo sii fogaaday

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 11, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ilhan Cumar ayaa lagu wadaa in maalinta Arbacada ah ay aqalka wakiillada ee Koongareeska hor geyso hindise sharciyeed ay ku doonayso inay ku afjarto waxa ay ku tilmaamtay “Islaam nacaybka” madaxweyne Trump.


    “Waxaan ballanqaadayaa inaan gabagabeeyo Islaam nacayb Trump iyo mamnuucidda Muslimiinta”, ayey barteeda Twitter-ka ku qortay Ilhan maalintii Talaadada ahayd.


    “Ma’ahan in la dafiro xuquuqda aasaasiga ah ee dadka iyagoo loo sababeynayo diintooda, jinsiyaddooda ama dalka ay kasoo jeedaan.”
    Madaxweyne Trump ayaa horay boggiisa Tweetarka ku qoray ‘hadal jeejees ah’ oo uu ula jeedo Ilhaan Cumar.


    Warbixintan oo aan ka soo xigannay wargeyska Daily Mail ayaa sheegeysa inuu Madaxweyne Donald Trump oo ka hadlayay kulan ay lahaayeen Kooxda Hoggaamisa siyaasadda Yuhuudda ee ku dhaqan Mareykanka uu raalligaliyay Ilhaan Cumar, isaga oo ku jeesjeesaya.


    Inta uusan khudbaddiisa billaabin ka hor ayuu yiri ‘Oh waan ilaaway illeen Ilhaan Cumar Israa’iil ma jecleyn, waan ka xumahay. Maya Israa’iil iyadu ma jecla, miyey jeceshahay? Fadlan waan ka raalli gelinayaa.


    Wuxuu sidoo kale Xisbiga Dimuqraadiga ku eedeeyey inuu oggolaado in Yuhuud Neceybka ay xisbigooda ku xidideysato.


    Madaxwayne Trump ayaa xayiraad horay ugu soo rogay 8 dal oo ah dalal Muslimiin ah.


    Mamnuucidda ayaa ka danbeeysay dib u eegis lagu sameeyay xaaladda ammaanka iyo amar uu horey u soo rogay oo waqtigiisa uu imika dhacayo.
    Mr Trump ayaa sheegay in mudnaanta uu siinayo in Maraykanka uu noqdo dal amaan ah.


    Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen in xeerarkan ay bartilmaamed ku yihiin dalal gaar ah.


    Maraykanka ayaa wadamada Suuriya iyo wuqooyiga Kuuriya ku soo rogay mamnuucid buuxda halka Venezuela ay mamnuucida ku xaddidan tahay saraakiil ka tirsan dowlada iyo qoysaskooda.


    Haddii Ilhaan Cumar ay ku guuleysato ol’olahan cusub ee ay sheegtay inay billaabeyso, waxaa suurta gal ah inay dan u noqoto dad Soomaaliya kasoo jeeda oo Mareykanka laga hor istaagay, maadaama ay Soomaaliya ku jirto dalalka Muslimiinta ah ee muwaadiniintooda aan loo oggoleyn inay galaan Mareykanka.


    Dad badan oo qaxooti ah iyo kuwo ay qoysaskooda u dacwoonayaan ayaa in muddo ah u xanniban xayiraadda uu Trump kusoo rogay awgeed.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.