Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dagaalka Qasa iyo doorka Dowlada Qatar
    Somalia

    Dagaalka Qasa iyo doorka Dowlada Qatar

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 11, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qatar oo dhex-dhexaadin ka wadda dagaalka Qasa ayaa sheegtay in ay Jimcihii u gudbisay ergayga Bariga Dhexe u qaabilsan Madaxweynaha dooran ee Maraykanka Donald Trump, Steve Witkoff, uguna faahfaahisay wada-hadalladii xabbad joojinta ee Qasa oo ay isla wadeen Masar iyo Maraykanka.

    Kulanka oo ka dhacay Doha ayaa Ra’iisul Wasaare Shiikh Maxammed bin Cabdulrahman bin Jassim Al-Thani waxa uu Witkoff kala hadlay “”xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka, gaar ahaan dadaallada lagu doonayo in xabad-joojin lagaga gaaro Marinka Gaza”, ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda Qatar.

    Horraantii bishaan, dhexdhexaadiyeyaasha ayaa bilaabay dadaal cusub oo lagu soo afjarayo dagaalka Gaza iyo sidii loo sii dayn lahaa tobonaan la haystayaal Israa’iiliyiin ah oo weli lagu haysto dhulka Falastiin.

    Ilo-diblomaasiyadeed ayaa tilmaamay in uu sii kordhayo cadaadiska caalamiga ah ee lagu saarayo Xamaas iyo Israa’iil in ay heshiis ku gaaraan wadahadallada dadban ee socda.

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Khamiistii sheegay in “horumar dhab ah laga gaaray” wadahadallada.

    Trump ayaa uga digay Xamaas in sida uu hadalka u yiri ay arki doonto “naar” haddii aysan sii deyn maxaabiista ku harsan ka hor caleema-saarkiisa 20-ka Janaayo.

    Laakiin dhowr falanqeeye ayaa aaminsan in ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu doorbidayo in heshiiska la gaaro marka uu talada la wareego Trump halkii la gaari lahaa maalmaha ugu danbeeya ee madaxtinimada Joe Biden.

     

    Xigadho:-VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    April 3, 2026

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    April 3, 2026

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    April 3, 2026
    Latest Posts

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.