Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dawlada Fadaraalka Soomaaliya oo lacag cusub soo daabacaysa
    Somalia

    Dawlada Fadaraalka Soomaaliya oo lacag cusub soo daabacaysa

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 10, 2017Updated:March 10, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay soo daabeceyso lacag cusub oo naqshad cusub leh.

    Lacagtan cusub waxay noqoneysaa middii ugu horeysay tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

    Waxaa la sheegaa in Muddaddii burburka, dalka Soomaaliya la geliyay lacag been abuur ah oo dad kala duwan ay daabeceen.

    Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in lacagta hadda la isticmaalo “dhammaanteed ay tahay been abuur, suuqana ay laga saari doono.”

    Soomaaliya ayaa hadda si weyn looga isticmaalaa dollarka oo sababay sicir barar.

    Sanado badan, shilinka Soomaaaliga wuu sabeynayay, taas oo ay ka dhalatay dagaallada dalka ka jiray iyo lacagta oo cidini aysan maamulin.

    Markii ay dowladdii dhexe meesha ka baxday, qiimaha shilinka Soomaaliga ayaa aad hoos ugu dhacay.

    Dadka dhaqaalaha ku taqasusay waxay sheegayaan in “ururo iyo maamul goboleedyo ay daabeceen lacag been abuur ah oo hadda suuqyada laga isticmaalo”.

    Dowladda Soomaaliya oo taasi sabab uga dhigeyso, ayaa hadda qorsheyneyso in ay bedesho qaabka ay hadda u egtahay shilinka Soomaaliga.

    Dowladda ayaa daabacaadda lacagta cusub la kaashaneyso hay’adda lacagta adduunka ee IMF.

    Waxaa la filayaa in 60 milyan oo dollar ay ku baxdo daabicidda lacagta cusub, ayna diyaar noqon doonto ugu dambeyn dhammaaadka sanadkan.

    Maxamed Ibraahim Farageedi oo ah wasiirka maaaliyadda, ayaa sheegay in lacagta cusub ay la mid noqondoonto lacagaha kale ee caalamigaa ah.

    “Lacagta cusub waxay u la mid noqon doonaa kuwa caalamka intiisa kale laga isticmaalo oo aan la been abuuri karin. Waxay yeelandoonaa waxyaabaha amni ah”.

    Wuxuu intaa ku daray “naqshadda lacagtan iyo muuqaalkeeda gebi ahaanba wuu ka duwanaan doonaa midda hadda suuqa ku jirto ee la isticmaalo”.

    Caqabadaha dowladda ay wajeheyso waxaa ka mid ah sida loo kala saari karo midda been abuurka ah iyo tan runta ah, marka ay gaarto in dadka loo bedelo, maadaama bangiyo badan aysan dalka Soomaaliya ku oollin.

    Waxaa kaloo caqabad ah sida lookala bedelanayo lacaagta cusub iyo midda hadda la adeegsado.

    “Waxaa jiridoono xarumo gaar ah oo loogu talagalay in dadka loogu bedelo lacagtooda si ay u helaan midda cusub”, ayuu yiri wasiirka maaliyadda, Maxamed Ibraahim.

    Dowladdi, maarka hore waxay doonaysaa in ay ka shaqeeyso sidii amniga loo sugi lahaa, Sida wasiirka uu sheegay.

    Waxaana la filayaa in lacagta cusub ay gacan ka geysato sidii loo xakameyn lahaa sicir bararka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.