Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dawlada Uk oo ugu deeqday 100 oo Geni Dalalka Somaliya iyo S.Sudan
    Somalia

    Dawlada Uk oo ugu deeqday 100 oo Geni Dalalka Somaliya iyo S.Sudan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 22, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda UK ayaa maanta ku dhawaaqday xirmo cusub oo taageero ah oo la siinayo dalalka Soomaaliya iyo Suudaanta Koonfureed, oo ah laba dal oo wajahaya abaar iyo macluul qarka saaran.

    Waxaa taageeradan ku dhawaaqay Xoghayaha Horumarinta Caalamiga ah Priti Patel.

    UK ayaa 100 milyan oo gini siin doonta Soomaaliya, halka 100 milyan oo gini oo kalena ay siin doonto dalka Suudaanta Koonfureed. Lacagtan ayaa guud ahaan u dhiganta 250 milyan oo dollar oo labadan dal loogu talo-galay 2017/2018.

    Warsaxaafadeed kasoo baxay Priti Patel ayaa lagu sheegay in abaaraha iyo dagaalada ka jira dalal ay Soomaaliya ka mid tahay ay qoysas badan qarka u saareen macluul.

    Dalka Soomaaliya ayey sheegtay in in ka badan lix milyan oo qof aysan haysan cunno ku filan, ayada oo 360,000 oo carruur ah ay nafaqo darro hayso.

    Waxa ay sheegtay inay jiraan astaamo muujinaya in Soomaaliya ay wajaheyso macluul la mid ah ama ka xun middii dhacday sanaddii 2011.

    Lacagtan cusub ee Soomaaliya loogu deeqay ayaa la sheegay in cunno deg deg ah lagu gaarsiin doono hal milyan oo qof, islamarkaana taageero nafaqo oo nolol bad-baadin ah lagu siin doono 600,000 oo carruur iyo haween uur leh ah.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.