Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»VIDEO: Deni oo la kulmay Janaraalo uu kamid yahay Morgan
    Somalia

    VIDEO: Deni oo la kulmay Janaraalo uu kamid yahay Morgan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 24, 2019Updated:June 24, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/436105137229992/

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Garoowe qado sharaf ugu sameeyey qaar ka mid ah Janaraalada Puntland oo ay kamid ahaayeen Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Janaraal Cabdisemed Cali Shire iyo Janaraal Maxamed Siciid Morgan.

    Kulanka qado sharafta ah waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Saraakiil ciidan iyo la-taliyayaal Amniga oo kulanka qeyb ka ahaa.

    Kulan ayaa salka ku hayey is xogwaraysi guud oo uu Madaxweyne Deni la yeelanayo Janaraalada Puntland ee ku suntan taariikhda dhismaha ciidamada Puntland, tani waxa ay qayb ka tahay balanqaadyadii Madaxweynaha ee tayaynta ciidamada, tiigsiga dhismaha ciidanka iyo in ahmiyadda kooowaad la siiyo waxtarka iyo dhiirigalinta ciidanka qalabka sida, si loo soo afjaro kooxaha xagjirka ah ee Al-shabaab iyo Daacish, sidoo kalena la sugo amniga xuduudaha dalka.

    Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa masuuliyiinta kala tashanaya xaaladdaha amni ee dalka maadaama Puntland ku dhisan tahay wada-tashi, talo-wadaag iyo wax wadalahaansho dhanwalba ah, Janaraaladuna kamid yihiin waxgaradka iyo indheer garadka dalka ee arrimaha Amniga.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.