Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Deni oo noqday Madaxweynaha Dowlada Puntland
    Somalia

    Video:-Deni oo noqday Madaxweynaha Dowlada Puntland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 8, 2019Updated:January 8, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,Cabdikariin Maxamed Axmed (Dhoobo-dareed) ayaa goor dhow shaaciyay natiijada doorashada madaxweynaha Puntland oo la isla soo gaaray wareegii

    Saddexaad.Wareega u dambeeyay ee saddexaad waxaa ku tartamay labada musharrax ee kala ah Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 35 cod iyo Jen Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano oo helay 31 cod.

    Guddoomiyaha Baarlamaanka oo natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay in madaxweynaha shanta sanno ee soo socota Puntland uu yahay Saciid Cabdullaahi Deni oo ku guuleystay wareegii u dambeeyay.

    Madaxweynaha cusub ee Puntland,Saciid Cabdullaahi Deni oo hadal kooban jeediyay guushiisa kaddib ayaa u mahadceliyay Baarlamaanka ,guddiga doorashada ,musharrixiintii la tartamay iyo musharrixii wareegii u dambeeyay la soo gaaray ee Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano .

    “Waxaan codsanaya in gacmaha la isqabsado, doorashadii way dhammaatay.. waxaa kalo si gaar ah u codsanaya in laygu soo duceeyay xilkan”. ayuu yiri madaxweynaha cusub,Saciid Cabdullaahi Deni .
    Madaxweynaha cusub ayaa goobta markiiba lagu dhaariyay.

    Musharraxa xilka looga guuleystay ee Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano ayaa dhankiisa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub.
    “Puntland waa dhulkeygii waan jeclahay”. ayuu yiri Asad Cismaan.

    Dhinaca kale, madaxweynaha xilka hayay ee Cabdiweli Gaas oo ka mid ahaa musharrixiintii xilkan ku tartamayay, islamarkaana wareega koowaad ku haray ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub.

    21 musharrax ayaa ku tartamay doorashada madaxweynaha Puntland,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/vB_MXIl0mZs
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.