Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»DF Soomaaliya oo War kasoo saartay Diyaaradii ku burburtay Itoobiya.
    Somalia

    DF Soomaaliya oo War kasoo saartay Diyaaradii ku burburtay Itoobiya.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 10, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Shacabka iyo Dowladda Federaalka Itoobiya uga tacsiyadeysay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay dalkaasi Itoobiya,kaasi oo saameyn ku yeeshay dad rakaab ah oo ka soo kala jeeda dalal kala duwan oo uu ku jiro muwaadin Soomaaliyeed.

    “Waxa aan dareenka la qeybsanaynaa qoysaska iyo shaqsiyaadka ay saameysay dhacdadan masiibadada ah,“ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay Shacabka iyo Dowladda Itoobiya oo ku jira xaaladan adag.

    Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa galabta booqday goobta uu ka dhacay shilka diyaaradeed ee nawaaxiga Degmadda Bishoftu oo 47-Km dhanka K/bari kaga toosan magaalladda Addis Abeba.

    Wuxuuna murugada la qeybsaday Ehalada dadkooda ku waayay Bur burka diyaaradda Ethiopian Airlines,wuxuuna kula dardaarmay Samir iyo dulqaad iney muujiyaan.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    June 22, 2025

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    June 22, 2025

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    June 21, 2025
    Latest Posts

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.