Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»DFS oo ka hadashay xarigii Wasiirka amniga Jubbaland
    Somalia

    DFS oo ka hadashay xarigii Wasiirka amniga Jubbaland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 1, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay xarigii shalay loogu geystay Muqdisho Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdi nuur (Janan), xilli uu transit ku ahaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, kuna sii jeeday Magalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

    Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka Xukuumadda Federaalka Soomaliya Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal ayaa xaqiijiyay xariga Wasiirka, waxaana uu sheegay in Wasiirka loo heysto dambiyo kala duwan uu ka galay Bulshada ku nool Gobolka Gedo iyo deegaannada kale ee la deriska ah.

    Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdi nuur (Janan), ay muddo badan baadi goobayeen Ciidamada laanta dambi baarista CID-da ee Booliska Soomaaliya iyo Booliska Aduunka ee ( Interpol).

    Mohamud Abdikadir Hilaal@MohamudHilaal

    Abdirashid Janan Wasiir kii hore ee Amniga DG #Jubaland oo danbiyo kala duwan ka galay Bulshada Reer #Gedo iyo degaanada ladariska ah kuna raad joogeen Booliska Caalamiga ah( Interpol) iyo Laanta danbi baarista… https://www.facebook.com/172813986670826/posts/424893224796233/ โ€ฆ1173:39 PM – Aug 31, 2019Twitter Ads info and privacy60 people are talking about this

    C/rashiid Janan ayaa eeda ugu weyn ee loo heysto ayaa waxaa ay la xiriirtaa xadgudub dhanka baniโ€™aadannimada gaar ahaan arrin ka dhacday sanadkii 2015 Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaasoo afar ruux oo maxaabiis ahaa lagu dhex dilay xabsigii ay ku jireen.

    Si kastaba ha ahaatee, Bishii April ee sanadkan ayaa Warqad ka soo baxday Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay ku burisay dacwada loo heystay iyo amarkii ka yaalay oo Maxkamadda ku wargelisay Laanta dambi baarista ee CID.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo Somalida markale ku hor bahdilay caalamka

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.