Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»DFS oo ku Guuldarraysatay Xakamaynta AS iyo Xasilinta Maaliyadda Ciidamada ATMIS
    Somalia

    DFS oo ku Guuldarraysatay Xakamaynta AS iyo Xasilinta Maaliyadda Ciidamada ATMIS

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 26, 2025Updated:March 26, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xaaladda amniga Koonfurta Soomaaliya,ayaa sii xumaanaysa, iyadoo dagaalyahannada Al-Shabaab ay sameeyeen horumarro militari oo xasaasi ah, halka taageerada maaliyadeed ee ciidamada ATMIS ay wajahday caqabado.

    Xaaladdan cakiran waxay su’aalo ka keenaysaa istaraatiijiyadda milatari ee xukuumadda Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, iyadoo guuldarrooyinku isa soo tarayaan.

    Al-Shabaab oo Qabsaday Dhul Hor Leh?

    Kooxda Al-Shabaab,ayaa la wareegtay kala bar degmada Afgooye, oo ah magaalo istaraatiiji ah kuna taalla 30km uun dhanka galbeed ee Muqdisho.

    Dagaalyahannada Al-Shabaab,ayaa sidoo kale qabsaday Masjidka Cali Guduud, oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Dhexe.

    Horumarkan wuxuu muujinayaa awoodda kooxda ee weerarrada dagaal, inkastoo ay la dagaallamayaan Ciidamada DFS iyo Xaaxiibbadooda Caalamiga ah.

    Ciidamada ATMIS oo La’ Mushahar?

    Maaliyaddii Ciidamada ATMIS,ayaa wajahaysa caqabado adag.

    Mareykanka ayaa diiday sii deynta dhaqaalaha loogu talagalay mushaaraadka ATMIS, halka Midowga Yurub uu shuruudo ku xiray bixinta qoondadiisa dhaqaale.

    Natiijada ka dhalatay arrintan waxay tahay in mushaaraadka ATMIS ay hadda xaddidan yihiin oo keliya ilaa Juun 2025, taasoo walaac gelisay mustaqbalka joogitaanka ciidamada AMISOM.

    Eedeynta Siyaasadeed?

    Fashilka dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo caqabadaha dhaqaale waxay sare u qaadeen dhaleeceynta loo jeedinayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    Istaraatiijiyaddiisii dagaalka oo ballan-qaadkeedu ahaa ciribtirka Al-Shabaab hadda waxay u muuqataa mid guuldarraysatay. Inkastoo xaaladda sii xumaanayso, haddana madaxweynuhu weli ma qiran fashilka, mana muujin wax diyaar ah oo uu ku qaadanayo masuuliyadda.

    Iyadoo Al-Shabaab ay sii fidayaan, halka taageeradii Ciidamada ATMIS ay halis ku jirto,xaaladda amniga Soomaaliya waxay maraysaa marxalad adag.

    Haddii aan la helin xal degdeg ah, bilaha soo socda waxay keeni karaan xasillooni darro hor leh, taasoo caqabad ku noqon doonta dadaallada dib u dhiska iyo sugidda amniga Dalka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    April 6, 2026

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    April 6, 2026

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    April 6, 2026
    Latest Posts

    Xog:-Khasaaraha kasoo gaaray Maraykanka dagaalka Iran

    Puntland,waa in ay hakisaa Shirka Golaha Mustaqbalka Ee Garowe

    Maraykanka iyo Iran oo aan weli heshiis gaarin,iyadoo….

    Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka Fadaraalka laga mamnuucay Maraykanka?

    Isbadalka lagu sameeyay Maamulka Bangiga Puntland oo la bogaadiyay

    “Madaxweyne Garsoorka dul istaag”WQ.Jibril Qoobey.

    Wasiirada cusub Ee Dowladda Puntland Oo la dhaariyay

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.