Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»DFS oo soo dhaweeysay Aqbalaada Waraaqaha Aqoonsiga ee Safiirkeeda Mareykanka
    Somalia

    DFS oo soo dhaweeysay Aqbalaada Waraaqaha Aqoonsiga ee Safiirkeeda Mareykanka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 18, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa aqbalaadda waraaqaha aqoonsiga ee uu Madaxweynaha Mareykanka Donald J. Trump kaga guddoomay Aqalka Cad danjiraha cusub ee Soomaaliya ee Washington Mudane Ali Shariif Axmed kaasoo loo igmaday inuu sii dardargeliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee tariikhiga ah, iskaashiga istaraatiijiyeed iyo wax wada qabsiga ee faaโ€™iidada u leh labada dal.

    Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeduba waxay Dowladda Mareykanka u arkaan isbahaysi adag iyo saaxiib kaalin mug leh ka qaadanaya horumarka iyo hurosocodnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Washington wuxuu hore u soo noqday Danjiraha dalalka Faransiiska, Itoobiya. Wuxuu sidoo kale ahaa Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Midowga Afrika iyo Golaha Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA).

    Marka laga soo tago waaya aragnimadiisa dhanka dowladda, Danjire Axmed wuxuu soo noqday maamule sare, ganacsade iyo la-taliye shirkado iyo hayโ€™ado caalami ah. Danjirihu wuxuu Shahaadada 2-aad ka qaatay Jaamacadda Sussex ee dalka Ingiriiska, halka uu shahaada 1-aad uu ka qaatay Jaamacadda London Metropolitan ee isla dalkaas isaga oo ku takhasusay Culuumta Siyaasad-dagaleedka (Geopolitics) iyo Istiraatiijiyadda iyo sidoo kale Daraasaadka Nabadda iyo Khilaafaadka sida ay u kala horreeyaan.

    Dowladda Soomaaliya waxay ku kalsoontahay in Danjire Axmed uu u gudan doono waajibaadkiisa shaqo isidii uu usii xoojin lahaa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo fursadaha casriga ah ay labada dhinac ka wada faaโ€™iideysan karaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    November 22, 2025

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.