Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dhabancad oo looga adkaaday hogaamintii Xisbiga Kaah!!!
    Somalia

    Dhabancad oo looga adkaaday hogaamintii Xisbiga Kaah!!!

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 20, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dhabancad waxaa ku dhacday dharbaaxo siyaasadeed oo xoog badan,

    Maalmahan,waxaa lagu mashquulsanaa dhismaha Xisbiga Dowlada ee Kaah.

    Kadib diyaar garow iyo diyaarin habka uu umuuqanayo,Sharciyada iyo Dadka noqon doona maalgashadayaasha,waxaa la galay tartan.

    Madaxweyne Deni oo aad ugu dadaalayay n Xisbigu miisaan yeesho una muuqdo mid reer Puntland kawada dhex muuqdaan,ayaa olale ugalay in reer Muduga ku jira Dowlada golayaasheeda kala duwan kusoo biiraan Xisbiga.

    Reer Muduga oo ay horboodayaan Xildhibaanada Gobolka ku matala Baarlamaanka waxay aqbaleen qorshihii Deni dood dheer iyo wax kala goosi kadib.

    Madaxweyne Deni oo si sharciyana usii noqon doona Gudoomiyaha Xisbiga,ayaa u olaleeyay in Dhabancad uu noqdo Gudoomiyaha gudiga hawsha sii wadaya ee 24-ka xubnood ka kooban,balse mucaaradad xoog leh,ayuu kala kulmay reer Mudugii iyo Aaran-jaanka,waxaana cod la qaaday Gudoomiye loo doortay Wasiirka Duulista Lugatoor oo kasoo jeeda G.Sool.

    Halka ku xigeen loo doortay Xildhibaan Fu’aad Abshir Adeer oo kasoo jeeda Gobolka Mudug.

    Xildhibaan Fu’aad-ka buuxiyay booskii Dhabancad waa Nin ay aad siyaasada ugu kala fogaayeen Dhabancad oo heer xataa khilaafkoodu gaaray in aan salaanta layska qaadin,iyagoo hal Xaafad kasoo wada jeeda.

    Tartankaas Dhabancad waa lagu karbaashay inkastoo Deni udadaalay hadana waa gadmi waayay.

    Jugta siyaasadeed ee ku dhacday Dhabancad way iska muuqatay in ay imaanayso maalin maalmaha ka mid ah marka loo eego hab dhaqankiisa ukeenay colaad iyo nacayb fara badan oo dhinac walba iyo Gobol walba leh..

    Dhabancad waxuu lumiyay Gobolkii uu kasoo jeeday,sidoo kalena Gobolada kale kama samaysan xulufo siyaasadeed oo waxtari karta waxa uu udhaqmay sidii Nin Shirkad ushaqaynaya ee uma muuqan hogaamiye siyaasadeed oo matala bulsho.

    Hala yaabin in Deni sidaanoo kale looga adkaado isku shaandhaynta oo Dhabancad kursiga Wasiirnimo uu kusii hayn waayo.

    Deni marka ay usinaadaan Dhabancad iyo Xulufadiisii hore ee siyaasada iyo mida cusub ee Mudug way iska cadahay meesha uu aadayo!!

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.