Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dhabancad oo looga adkaaday hogaamintii Xisbiga Kaah!!!
    Somalia

    Dhabancad oo looga adkaaday hogaamintii Xisbiga Kaah!!!

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 20, 2020No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dhabancad waxaa ku dhacday dharbaaxo siyaasadeed oo xoog badan,

    Maalmahan,waxaa lagu mashquulsanaa dhismaha Xisbiga Dowlada ee Kaah.

    Kadib diyaar garow iyo diyaarin habka uu umuuqanayo,Sharciyada iyo Dadka noqon doona maalgashadayaasha,waxaa la galay tartan.

    Madaxweyne Deni oo aad ugu dadaalayay n Xisbigu miisaan yeesho una muuqdo mid reer Puntland kawada dhex muuqdaan,ayaa olale ugalay in reer Muduga ku jira Dowlada golayaasheeda kala duwan kusoo biiraan Xisbiga.

    Reer Muduga oo ay horboodayaan Xildhibaanada Gobolka ku matala Baarlamaanka waxay aqbaleen qorshihii Deni dood dheer iyo wax kala goosi kadib.

    Madaxweyne Deni oo si sharciyana usii noqon doona Gudoomiyaha Xisbiga,ayaa u olaleeyay in Dhabancad uu noqdo Gudoomiyaha gudiga hawsha sii wadaya ee 24-ka xubnood ka kooban,balse mucaaradad xoog leh,ayuu kala kulmay reer Mudugii iyo Aaran-jaanka,waxaana cod la qaaday Gudoomiye loo doortay Wasiirka Duulista Lugatoor oo kasoo jeeda G.Sool.

    Halka ku xigeen loo doortay Xildhibaan Fu’aad Abshir Adeer oo kasoo jeeda Gobolka Mudug.

    Xildhibaan Fu’aad-ka buuxiyay booskii Dhabancad waa Nin ay aad siyaasada ugu kala fogaayeen Dhabancad oo heer xataa khilaafkoodu gaaray in aan salaanta layska qaadin,iyagoo hal Xaafad kasoo wada jeeda.

    Tartankaas Dhabancad waa lagu karbaashay inkastoo Deni udadaalay hadana waa gadmi waayay.

    Jugta siyaasadeed ee ku dhacday Dhabancad way iska muuqatay in ay imaanayso maalin maalmaha ka mid ah marka loo eego hab dhaqankiisa ukeenay colaad iyo nacayb fara badan oo dhinac walba iyo Gobol walba leh..

    Dhabancad waxuu lumiyay Gobolkii uu kasoo jeeday,sidoo kalena Gobolada kale kama samaysan xulufo siyaasadeed oo waxtari karta waxa uu udhaqmay sidii Nin Shirkad ushaqaynaya ee uma muuqan hogaamiye siyaasadeed oo matala bulsho.

    Hala yaabin in Deni sidaanoo kale looga adkaado isku shaandhaynta oo Dhabancad kursiga Wasiirnimo uu kusii hayn waayo.

    Deni marka ay usinaadaan Dhabancad iyo Xulufadiisii hore ee siyaasada iyo mida cusub ee Mudug way iska cadahay meesha uu aadayo!!

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.