Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dhageysiga xil ka-xayuubinta Trump oo si shaacsan u billaabatay
    Somalia

    Dhageysiga xil ka-xayuubinta Trump oo si shaacsan u billaabatay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyNovember 13, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa maanta furay dhageysi si toos ah looga daawanayo taleefishinka oo ku saabsan in xilka laga xayuubiyo madaxweyne Trump iyo in kale.

    Xubnaha Dimoqraadiga ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa isku dayaya inay dadweynaha ka dhaadhiciyaan in madaxweynaha uu ku xadgudbay awooddiisa si uu dano siyaasadeed ugu gaaro.

    Sii-hayaha safiirka Mareykanka ee Ukraine William Taylor iyo ku-xigeenka xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee arrimaha Yurub iyo Eurasian George Kent ayaa ku hor marqaati furaya guddiga sirdoonka ee Aqalka Wakiilada.

    Madaxweyne Donald Trump ayaa lagu eedeynayaa inuu celiyey gargaar dhan 391 milyan oo dollar oo Mareykanka ugu talo-galay Ukraine, isaga oo shuruud uga dhigay in dowladda dalkaas ay baaritaan ku sameysay Hunter Biden, oo ah wiilka madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden oo hadda ah musharax madaxweyne.

    Hunter Biden ayaa la shaqeynayey shirkad laga leeyahay Ukraine oo ka shaqeysa gaaska dabiiciga ah.

    Madaxweyne Trump ayaa sheegay in xubnaha ku hor marqaati furaya Aqalka Wakiilada ay markii horeba ay ahaayeen “kuwa aan marnaba isga ogoleyn.”

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.