Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dhalanteedka MD Farmaajo iyo Dhalashadii Galmudug!! W/Q Amb. Caalim
    Somalia

    Dhalanteedka MD Farmaajo iyo Dhalashadii Galmudug!! W/Q Amb. Caalim

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 22, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hoggaanka Madaxweyne Farmaajo ayaa duulaan hor leh ku qaaday Dowlad Gobaleedka Galmudug, oo horey ay u curyaamisay hanaankiisii Maamul, sidoo kalena ay iska hor keentay Beelihii ku midoobay Galmudug.

    Duulaankan cusub ee Hogaanka Madaxweyne Farmaajo ku qaaday Galmudug, ayaa qorshihiisu yahay sidii meesha looga saari lahaa Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf, arinka oo ah Fadeexad siyaasadeed oo la mida tii Magaalada Baydhabo ka dhacday.

    Sidoo kalena, Galmudug ay u geysan laheyd Madaxweyne Magac u yaalla, kaas oo kala qeyb qaato Madaxda Dowladda Federaalka inay dib ugu soo laabtaan Tallada dalka Doorashada 2020-ka.

    Dowlad Gobaleedka Galmudug, ayaa la aas aasay sanadkii 2006, waxaana uu ku bilowday Koonfurta Gobalka Mudug oo ay degto Beel qura oo kamid ah Beelaha haatan ugu tunka weyn Galmudug dambe, uuna ka soojeedo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf (Sacad=Habar-gidir).

    Madaxweynihii ugu horeeyay ee Galmudug ayaa loo doortay AUN Maxamed Cali Kiimiko oo kamid ahaa Khuburada Siyaasadda Soomaaliya, waxaana uu door muuqda kasoo cayaaray hormarinta Galmudug iyo inuu Geed dheer iyo Geed gaaban u fuulay inay noqoto Maamul saameyn ku dhex leh siyaasada Soomaaliya.Waxaa uga dambeeyay

    Madaxweynayaal dhowr ah oo ay kamid ahaayeen Cabdi qeyb-diid oo ah haatan Sanetor kamid ah Golaha Aqalka Sare iyo Maxamed Caalim, waxaana ay sii amba qaadeen kobaca MaamulkaGalmudug iyo inay Aqoonsi uga helaan dhinacyada ugu tunka weyn Siyaasadda Soomaaliya.

    Dowladdii uu Hogaaminayey Madaxweynihii hore ee Dawlada Faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal dheer u gashay 2015-kii in la helo Galmudug ka balaaran tii ka jirtay Koonfurta Gobalka Mudug, waxaana ay ku guuleysteen in la isku biiriyo Maamulkii Ximin iyo Xeeb ee jira Degmada Cadaado iyo Deegaanada kale ee Beesha Saleebaan-Habar-gidir, sidoo kalena ku guuldareysatay in Maamulkii Gobalada dhexe ee Ahlu-sunna ay ku qanciso Balaarinta Galmudug.


    July 4, 2015 ayaa loo doortay Madaxweynaha Galmudug-ta Dowladda Federaalku aqoonsan tahay C/kariim Xuseen Guuleed oo kamid ahaa Saaxibada dhow ee Ex. Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana uu ka caawiyay Xasan Sheekh in dhamaan Saaxibadiisii Siyaasadda ee kasoo jeeday halkaas loo doorto Xubno kamid ah labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

    Madaxweyne Guulleed kuma nagaadin hogaanka Galmudug markii doorashada looga adkaadey Madaxweyne xasan sheikh 2017-kii Baarlamaankii Galmudug, waxay keeneen mooshin ka dhan ah Madaxweyne guleed taas oo ugu dambeyn sababta inuu is casilo.

    Baarlamaanka Galmudug ayaa doorasho ka dhacday 30, Maarso, 2017-kii Magaalada Cadaado ugu doortay Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kaas uu isagu ku guuleystay mideynta Galmudug loo dhan yahay, wallow markii dambe ay Dowladda Federaalku fashilasay dadaalkiisii ahaa Galmudug loo dhan yahay.

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Raโ€™iisulwasaare Kheyre, waxaa ay dhexda u xirteen in la burburiyo Maamulka Galmudug ee ku guuleystay Dib u heshiisiinta dhinacyadii loo dhiisay iyo inuu tago Caasimadiisa, iyagoo eeganaya danahooda gaarka.

    Ka aragti ahaan Aqoonta aan u lee yahay Bulshada Reer Galmudug iyo halkii uu ka yimid Dowlad Gobaleedka Galmudug, waxaa hubaal ah in hada sida ay wax u socdaan ay dib u soo laaban doonto Galmudug-tii Koonfurta Galmudug

    Danjire Mahamed Caalim
    Caalim68@hotmail.com

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.