Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dheg Is-jar Ama Dhaqaaji.WQ.Cabdinaasir Biixi
    Somalia

    Dheg Is-jar Ama Dhaqaaji.WQ.Cabdinaasir Biixi

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 15, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dheg Is-jar Ama Dhaqaaji
    Nin boqor ahaa baa wiil la’aani ku dhacday. Da’dii u dhalataaba waa gabar. Isagoo quus ka ah in boqortooyada wiil uu isagu dhalay ka dhaxlo, baa maalinkii dambe wiil u dhashay. Inkastoo boqortooyadii oo dhan arrinkaa looga dabbaaldegey oo muddo damaashaad socday, misana boqorka waxaa walwal ku qabtay farxaddiisiina kala dhantaalay wiilka oo hal dheg leh ayna dhici karto in ay gasho cuqdad dhaxalsiisa in uu boqor fiican noqon waayo.

     

    Boqorkii wuxuu isugu yeeray lataliyeyaashiisii, arrinkii wiilka ayuuna u bandhigay. Waxay ku taliyeen, lataliye xun ileen lama waayee, in wiil kastoo dhasha dheg laga jaro.

     

    Muddo kaddib waxaa soo baxay jiil wada dheg go’an, rumaysanna in ragga abuurkoodu sidaas yahay. Waa dambe oo wiilkii weynaaday, baa waxaa magaaladii yimid wiil dhallinyaro ah oo laba dhegood leh. Wuxuu noqday wax caadada ka baxsan oo loo soo daawasho tago lagana sheekeeyo folxumadiisa ilaa wiilkii ay dantu ku kalliftay in uu dheg is jaro si uu ragga ula mid noqdo.

     

    Soomaalidana ninka wanaagsan ee daacadda ah markuu masuuliyad qabto intay doonto ha le-ekaatee, waxaa hafajinaya kuwa tuug ah oo meesha uga soo horreeyey ilaa uu ka mid noqdo amase uu cararo. Waxaa ayaandarro ah dadweynuhu in tuugtaas ay halyeeyo u yaqaanniin isla markaana ay rabaan wax fiican in ay helaan.

     

    Waxaan u rajeeynayaa madaxweynaha cusub guul iyo in uu caqabaddaas ka gudbo.

    Cabdinaasir Biixi

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.