Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dhimasho ka dhalatay weerar lagu qaaday Saldhig Booliska Sacuudigu leeyihiin
    Somalia

    Dhimasho ka dhalatay weerar lagu qaaday Saldhig Booliska Sacuudigu leeyihiin

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 22, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    RIYAD (IDILNEWS).Warbaahinta Sacuudiga,ayaa ku warrantay in la dilay afar nin oo weerar ku qaadday saldhig ay ciidamada amaanka boqortooyada ku leeyihiin Magaalo ku taalla dhinaca waqooyi ee caasimadda Riyadh.

    Wargeyska maalinlaha ah ee ku hadla afka Carabiga ee kasoo baxa magaalada London, Asharq al-Awsat, ayaa ku warramay in bartilmaameedka weerarka uu ahaa saldhig ay ciidamada amaanka ku leeyihiin degmada Zulfi oo 260 kilometres dhinaca waqooyi uga beegan magaalada Riyad.

    Kooxda weerarka soo qaadday ayaa isku dayay in baabuur ay wateen ku jiiraan xeyndaab ay ciidamada ku wareejiyeen albaabka laga soo galo, kaddibna billaabay in ay furaan rasaas.

    War laga soo xigtay booliska ayaa lagu sheegay in laba nin oo kasoo dagtay baabuurka ay ku dhinteen rasaas ay is weydaarteen booliska, mid kale ayaa isku dayay inuu carraro balse waxaa toogtay ciidamada, halka kan afraad la dilay xilli uu isku dayay inuu is-qarxiyo.

    Telefishanka Al-Arabia, oo ah TV laga leeyahay Sacuudiga ayaa isna xaqiijiyay dhimashada afarta qof ee weerartay saldhiga ku yaalla dalka Sacuudiga.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.