Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dhuusa-mareeb: Ahlu-sunna oo dalab adag hor-dhigtay mar kale DFS
    Somalia

    Dhuusa-mareeb: Ahlu-sunna oo dalab adag hor-dhigtay mar kale DFS

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 5, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kulan aan caadi aheyn ayaa waxaa xalay magaalada Dhuusamareeb ku yeeshay R/Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Hoggaanka Ahlusuna.

    Ilo wareedyo ayaa sheegay in hoggaanka Ahlusuna ay R/Wasaare Kheyre ka dalbadeen in la siiyo guddiga doorashada Maamulka Galmudug, iyadoona arintaasi uu ka biyo diiday R/Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

    Muran xoog leh ayaa ka dhashay arinta ku aadan codsi ka yimid Ahlusuna, iyadoona haatan khilaaf cusub uu soo kala dhex galay xubnaha Dowladda ee ku sugan Dhuusamareeb iyo hoggaanka Ahlusuna.

    Hoggaanka Ahlusuna ayaa ku doodaya in la siiyo xubnaha ugu badan ee guddiga doorashada ee Galmudug, ,maadaama ay ku andacoonayaan in dowladda federaalka soomaaliya ay hada guddiga dib u heshiisiinta beelaha dega galmudug ay iyada haysato.

    Khilaafkan cusub ee soo ifbaxay ayaa maanta laga dareemayaa deegaanada galmudug, iyadoona sababaha ugu weyn ee shirka uu baaqday uu yahay tabashooyinka ay qabaan hoggaanka Ahlusuna.

    Lama oga halka uu ku dambeyn doono khilaafka cusub ee soo kala dhex galay hoggaanka Ahlusuna iyo R/Wasaaraha Soomaaliya.
    Dad badan ayaa qabo in arintan ay curyaamin karto inuu furmi waayo shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    June 24, 2025

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025
    Latest Posts

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.