Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dilaa 14 qof ku dhex dilay gurigiisa oo lagu qabtay Kigali
    Somalia

    Dilaa 14 qof ku dhex dilay gurigiisa oo lagu qabtay Kigali

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 8, 2023No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    KIGALI — 

    Booliska ayaa sheegay in dalka Rwanda lagu xiray nin la tuhunsan yahay inuu yahay dilaa kadib markii ay meydadka in ka badan 10 qof ka heleen god ku dhex-yaalla gurigiisa.

    Dad deris la ah ayaa Khamiistii u sheegay wakaaladda wararka AP, in Denis Kazungu oo 34 jir ah, uu ahaa nin af-gaaban.

    Afhayeen u hadlay Xafiiska Dambi-baarista Rwanda (RIB), Thierry Murangira ayaa u weriyayaasha u sheegay in tuhunsanaha uu qirtay dilalka.

    Booliska ayaa tuhunsan in eedeysanaha uu dadka kasoo kaxeyn jiray baararka, oo uu keeni jiray gurigiisa ku yaalla caasimadda Kigali.

    Booliska waxay sheegeen in baaritaan uu ku socdo sababta uu ninka u dilay dadka, ayna sii dayn doonaan tirada guud ee meydadka goor dambe.

    Ilo-wareed ka tirsan Xafiiska Dambi-baarista Rwanda, oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa AFP u sheegay in tirada dhibbanayaasha ay illaa hadda yihiin 14.

    Kuzungu ayaan laga heli karin jawaab, mana cadda haddii uu leeyahay qareen.

    Wargeyska dowladda ee The New Times ayaa kasoo xigtay Augustin Shyirambere, oo guriga ka kireeyey Kuzungu, inuusan muddo bilo ah iska bixin kirada, uuna diiday in guriga la galo. Milkiilaha ayaa kadib u tegay mas’uuliyiinta dowladda si ay u caawiyaan.

    Qof ay deris yihiin tuhunsanaha ayaa sheegay inuu lahaa xaas iyo laba guri, oo mid ay degan yihiin qoyskiisa, kan kalena uu marnaa.
    Wuxuu lahaa dukaan lagu iibiyo qalabka gawaarida, ayuu yiri qof deris la ah.

    Emmanuel Nizeyimana, oo ah xoghayaha xaafadda Busanza ee Kazungu uu ku noolaa, ayaa sheegay in tuhunsanaha horey loogu xiray eedo ku saabsan dhac iyo kufsi balse lasii daayey. Ma cadda sababta.

    Waxaa sii socday baaritaanka, waxaana mar kale la xiray Talaadadii, kadibna la baaray gurigiisa oo laga soo helay god uu ka dhex qoday jikada, halkaasi oo dadka uu dilo uu ku ridi jiray.

    “Eedeysanaha ayaa qirtay in dilalka uu ka bartay daawashada sheekooyinka dilayaasha caanka ah ee dunida. Meydadka qaarkood ayuu ku baabi’in jiray aashito,” ayuu yiri il-wareed ka tirsan RIB oo la hadlay AFP.

    “Wuxuu daraasayn jiray dhibbanayaashiisa ka hor inta uusan daba-gelin, wuxuuna dooran jiray kuwa ay u badan tahay inaysan lahayn qoys ama saaxiibo dhow oo soo raadiya.”

    “Wuxuu ka shaqeyn jiray inuu dhibbanayaashiisa, oo u badnaa haweenka jirkooda ka ganacsada, uu soo jiito oo uu keeno gurigiisa, halkaasi oo uu uga dhici jiray taleefonada, kadibna uu ceejo ku dilo, kadibna ku aaso godka,” ayuu afhayeenka RIB Thierry Murangira u sheegay AFP.

    AP, AFP

    IDILNEWS.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    January 8, 2026

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    January 8, 2026

    Trump oo taageeray Askarigii toogtay gabadhii Minnesota

    January 8, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Withdrawing the United States from International Organizations, Conventions, and Treaties that Are Contrary to the Interests of the United States

    Trump oo taageeray Askarigii toogtay gabadhii Minnesota

    War murtiyeedka ka soo baxay Carwada Technology Puntland

    Maraykanka oo joojiyay dhamaan gargaarkii DFS uu marsiin jiray

    Xildhibaanada Fadaraalka iyo kuwa PL iyo Mw Deni oo kawada xaajooday xaalka Dalka

    Madaxweyne Deni oo la kulmay Bulshada Rayidka ah

    Faallo:-Israa’iil oo ka dhabaysay aqoonsigii SL ay siisay.

    𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛a𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚’𝐢𝐢𝐥 oo ka degay Hargaysa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.