Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Diyaarad uu la socday Madaxweynaha Iran oo burburtay
    Somalia

    Diyaarad uu la socday Madaxweynaha Iran oo burburtay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 19, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warbaahinta rasmiga ah ee Iran ayaa ku warrantay in diyaarad helicopter ah oo uu la socday madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ay si degdeg ah u degtay Axadii, iyadoo aan faahfaahin laga bixin.

    Wakaalada wararka ee jamhuuriyada islaamiga ah ee Iran ayaa ku warrantay in xaaladaha cimilo xumo ay sii adkaynayso dadaalada samata bixinta. Wakaaladda wararka ee Fars News Agency ayaa ku boorisay dadka reer Iran inay u duceeyaan Raisi.

    Raisi ayaa u safrayay gobolka bari ee Azerbaijan ee dalka Iran. Telefeshinka dowladda ayaa sheegay in shilkan uu ka dhacay meel u dhow magaalada Julfa oo ku taalla xadka dalka Azerbaijan, oo qiyaastii 600 KM dhanka waqooyi galbeed kaga beegan caasimadda Iran ee Tehran.

    Wakaalada wararka ee Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegtay in Raisi ay la socdeen wasiirka arimaha dibada ee Iran Hossein Amir Abdollahian, gudoomiyaha gobolka bariga Azerbaijan ee Iran iyo masuuliyiin kale.

    Mid ka mid ah saraakiisha dawladda hoose ayaa u adeegsaday ereyga “shil” si uu u qeexo dhacdada, laakiin waxa uu qirtay wargayska Iran in aanu isagu wali goobta soo gaarin.

    Wakaalada wararka ee Iran iyo telefiishanka dowlada midkoodna wax war ah kamasoo tebin xaalada Raisi.

    Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Waaxidi oo la hadlay telefishinka dowladda ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ay ka war sugayaan faahfaahin dheeri ah.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    March 31, 2026

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    March 31, 2026

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    March 31, 2026
    Latest Posts

    MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA BANGIGA, AGAASIMAHA BANGIGA IYO AGAASIME KU-XIGEENKA BANGIGA.

    Xisaabiyaha Guud Ee Dowlada Puntland oo la magacaabay

    Faallo:-Maxay ka dhigan tahay isku shaandhaynta lagu sameeyay Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyayaasha Gobollada?

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Gudoomiyayaasha Gobollada PL qaarkood

    Golaha Wasiirada Puntland oo laysku shaandheeyay

    Beesha caalamka Oo si adag ugu digtay Xasan Shiikh

    Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Wadaadada Iran

    BC Oo Xasan ugudbinaysa digniintii ugu danbaysay

    Midowga Afrika Oo ku baaqay in xiisada KG la dajiyo

    Beesha caalamka oo ka digtay dagaal ka dhaca Koonfur Galbeed

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.