Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dolwadda Siiriya iyo Ciidamada Kurdiyiinta oo heshiis wada gaaray
    Somalia

    Dolwadda Siiriya iyo Ciidamada Kurdiyiinta oo heshiis wada gaaray

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 11, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxtooyada Siiriya,ayaa Isniintii ku dhawaaqday heshiis ay sheegtay in Isniintii shalay ay kala Saxiixdeen Dowladda Siiriya iyo kooxda hubeysan ee Kurdiyiinta Siiriya ee loo soo gaabiyo SDF.

    Dhinacyada ayaa sheegay inay ku heshiiyeen in SDF, oo maamusha gobolka Waqooyi-bari, ay ku biirto dowladda cusub, isla markaana ay ciidamadoodu la midoobaan kuwa dowladda.

    Maamulka cusub ee Siiriya, oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah Axmed Al-Sharaca, ayaa isku dayaya inuu kala diro kooxaha hubeysan ee maamula dalka, tan iyo markii xilka laga tuuray hoggaamiyihii muddada dheer xukumayay dalkaasi, Bashaar al-Assad, bishii December, kaddib in ka badan 13 sano oo dagaal sokeeye ah.

    Heshiiskan cusub, oo la filayo in la dhaqan geliyo dhammaadka sanadkan, ayaa yimid kaddib maalmo rabshado ah oo ka socday dhulka ay ku badan yihiin qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Calawiyiinta Siiriya, kuwaas oo wajahaya khatartii ugu cuslayd tan iyo markii la riday Assad.

    Madaxtooyada Siiriya,ayaa Isniintii daabacday bayaan ay saxeexeen labada dhinac, kaas oo dhigaya heshiis isku dhaf ah oo saameynaya dhammaan hay’adaha rayidka ah iyo kuwa milatari ee Waqooyi-bari Suuriya, oo ay ku jiraan xarumaha xuduudaha, garoomada diyaaradaha, iyo kheyraadka Saliidda iyo gaaska.

    Kooxda Kurdiyiinta SDF,ayaan isla markiiba ka jawaabin codsi AFP u dirtay oo la xiriiray inay ka hadlaan arrintan.

    Source:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    October 19, 2025

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    October 19, 2025

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    October 18, 2025
    Latest Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Maraykanka oo udiiday Ukrain Gantaalada Tomahawk

    Heshiiskii Niyukleerka Ee Iran iyo quwadaha oo dhamaaday

    𝐀𝐮𝐬𝐭𝐫𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐬𝐡𝐞𝐞𝐩-𝐞𝐱𝐩𝐨𝐫𝐭 𝐛𝐚𝐧 𝐡𝐞𝐥𝐩𝐬 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐰𝐢𝐧 $𝟏 𝐛𝐢𝐥𝐥𝐢𝐨𝐧 𝐨𝐟 𝐬𝐚𝐥𝐞𝐬

    Faallo:-Fudaydka Siyaasada dibada Ee Xasan iyo saamaynta loolanka quwadaha caalamka

    Sidee PL uga faa’idaysan kartaa Kalluunka ay hodanka ku tahay?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.