Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dood ka dhalatay furitaanka Taallooyinka Muqdisho ee Madaxweyne Farmaajo!!+Akhriso
    Somalia

    Dood ka dhalatay furitaanka Taallooyinka Muqdisho ee Madaxweyne Farmaajo!!+Akhriso

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 19, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shalay waxa uu daah-furay Taallooyinka Axmed Gurey, Xaawa-taako, Sayid Maxamed iyo Dhagaxtuur kuwaas oo dhammaantood lagu sameeyey dib u hagaajin.

    Haddaba Baraha Bulshada ayaa dadweynuhu uga dooday arrinta taallooyinkaas, ku habboonaanta Waqtigan, Ujeedka dowladdu ka leedahay iyo isgarab-dhig dadweynuhu ku sameeyey arrimaha waaweyn ee muhiimka iyo taallooyinkan.

    Maxamed Royal ayaa yiri: ”Nabad iyo Nolol sida ay u fikirto haddiiba aan wax uun ka bartay, waa iney ka shaqeeyaan umadda iney mashquuliyaan, madadaaliyaan, iskana horkeenaan. Taallooyinkaan horta uma aysan dhisin daljacayl iyo waddaniyad toona, ee sababta ugu weyni waxey ahayd iney marka horeba aaminsan yihiin in dadka Soomaaliyeed yihiin indha ku garaadle yaal, sidaas darteed laga fakaro wax muuqan kara, saameeyn bulsheed leh, oo aan iyaga qarash iyo shaqaale badan uga baxeyn, misana dadka loogu muujin karo wax qabad weyn. Markale fursad ayey dhex arkeen oo ah in taallooyin kaan ay dhalin doonaan dood, taasna ay siin doonto iyaga fursad looga mashquulo, dadkuna isku jeestaan oo iyagu isku jawaabaan.Hadhow marka la is weydiiyo Nabad iyo Nolol wax qabad keeda jawaabaha ugu soo horreeya waxaa ku jiri doona Taallooyin kii ayey dhiseen. Sheekh Taallo la dhiso oo berri Qarax ka ag dhici karo, maxey Nolosha bulshadaan ka badaleysaa? Xal miyaa loo helay Qaraxii, dhimashadii, dhiiggii, caddaalad darradii, garsoorkii, dhaqaalihii, waddooyinkii xirnaa iyo isku socodkii, sideed qof aan haysan wuxuu cuno TV ugu hadyeyn kartaa?

    Ibrahim Haji Adam ayaa yiri: 1991 loo noqonaa haddaad mashaqo, waxa ugu yar oo aad sawirtaa taalladaas oo lala dagay. Wiilal fara fudud Bajaaj dusha ka saarteen, Iyagoo ay u daaran tahay heestii Uunsi.

    Yonis Abdi Hassan ayaa isna leh: Horta in uu Muslim ahaa shaki ayaa ku jiro, sabbatoo ah wuxuu amri jiray in umada la soo dhaco dumarka la kufsado siiba kuwa aan qaangaarin ee ka 14 sano, wuxuu kaloo amri jiray xoolaha umada xoog looga soo qaato,
    QAMRADIISANA WAYSO BEEY U AHAYD, oo kalay dadku wax ma grato miyaa.

    Cabdicasiis M. Waaqici ayaa kudooday:- Mala isweydiiyay marka maamulka NN uu dhaco oo Farmaajo laga guulaysto sidii taalooyinkaan loo ilaalin lahaa sii jiritaankooda , waayo dad isbadalka wadanku galay ku faraxsan baa meelo badan dab qabsiin doona sidii dhacday 8-Feberaayo oo kale.Abdirahman Hudeyfi ayaa isna yiri: Halyeeyo dhintay xusuustooda waxaa igala haboon dadka nool jidad ay nabad ku maraan

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    March 18, 2026

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    March 18, 2026

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    March 18, 2026
    Latest Posts

    Israel oo dishay hogaamiyihii dadbanaa Ee Iran

    Xasan Shiikh oo ku fashilmay inqilaabkii Laftagareen uu la damcay?

    Maxay ka dhigan tahay tagida Baydhabo Ee Mw Laftagareen?

    Maxay ka dhigan tahay xiriir ujarida KG Ee DFS?

    Weerarada Gantaalada iyo Drons-ka Ee Iran ka imaanaya oo hoos usii dhacaya

    Faallo:-Doorka Putin ee dagaalka Galbeedka Aasiya Maraykanka/Israa’iil iyo Iran?.

    Hoos udhac weyn oo ku dhacay Maraakiibta ka gudabaya Marinka Hormos

    Faallo:-Garaacista Jasiirada Hoyga u ah Saliida Iran

    Xamaas oo kaga hor timid Iran weerarada Wadamada Khaliijka

    Difaaca Cirka Imaaraadka Carabta oo fashiliyay weeraro ka yimid Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.